Waa Kuwee Kooxaha Ugu Koobabka Badan Dunida? Rangers Oo Garaacday Real Madrid, Man United, Barcelona & Bayern Munich

Rangers ayaa noqotay kooxda ugu koobabka badan guud ahaan qaaradda Yurub, kaddib markii ay toddobaadkan horraantiisii ku guuleysatay horyaalka Scotland.

Advertisements

Steven Gerrard ayaa dib ugu soo celiyey Ibrox Stadium farxad ka maqnayd muddo 11 sannadood ah oo horyaalka ay si joogto ah ugu guuleysanaysay Celtic, waxaana iyadoo lix ciyaarood ka hadhsan yihiin dhamaadka xilli ciyaareedka ay sii noqotay horyaalka, iyadoo hanastay horyaalkii 55aad, taas oo ka dhigaysa kooxda ugu badan ee ku guuleysatay horyaalka guud ahaan qaaradda Yurub.

Sida lagu soo bandhigtay xogta  kooxaha ugu guulaha badan, Rangers ayaa hanatay 116 koob tan iyo markii la dhisay oo ku beegnayd 1872kii. Ka sokow guulaha, Rangers ayaa ka mid ah kooxaha ugu da’da weyn dunida, waxaanay inta badan ka horreysay kooxdaha magacyada waaweyn ee Yurub oo badankooda la aasaasay wixii ka dambeeyey 1900kii.

Inkasta oo ay 155 koob ku guuleysatay, haddana Rangers waxay ku jirtaa kaalinta labaad waxaana ka koobab badan naadiga reer Masar ee Al Ahli.

Advertisements

30ka kooxood ee ugu koobabka badan oo la shaaciyey, Real Madrid ayaa ah kooxda weyn ee ugu koobabka badan laakiin waxay liiskan kaga jirtaa booska lixaad iyadoo hanatay 93 koob tan iyo maalintii la aasaasay qarni iyo dheeraad ka hor.

Barcelona oo ku xigta ayaa iyaduna ku jirta  kaalinta toddobaad, waxaanay ku guuleysatay 91 koob, halka Bayern Munich ay 10aad fadhido oo ay hanatay 78 koob.

Manchester United ayaa ah kooxda ugu guulaha badan Ingiriiska, waxaanay haysataa 66 koob, iyadoo liiskanna kaga jirta kaalinta 14aad.

Halkan kaga bogo 30ka kooxood ee ugu koobabka badan dunida

30. Club Atletico Independiente (Argentina) – 43 Koob

29. Fenerbahce (Turkey) – 43 Koob

28. Deportivo Saprissa (Costa Rica) – 46 Koob

27. River Plate (Argentina) – 48 Koob

26. CSKA Sofia (Bulgaria) – 48 Koob

25. AC Milan (Italy) – 48 Koob

24. Grasshopper Club Zurich (Switzerland) – 49 Koob

23. Zamalek (Egypt) – 52 Koob

22. Deportivo Colo-Colo (Chile) – 53 Koob

21. Club Olimpia (Paraguay) – 54 Koob

20. Boca Juniors (Argentina) – 56 Koob

19. FCSB (Romania) – 58 Koob

18. Anderlecht (Belgium) – 60 Koob

17. Liverpool (England) – 60 Koob

16. Galatasaray (Turkey) – 61 Koob

15. Juventus (Italy) – 66 Koob

14. Manchester United (England) – 66 Koob

13. Ajax (Netherlands) – 70 Koob

12. Porto (Portugal) – 76 Koob

11. Olympiacos (Greece) – 77 Koob

10. Bayern Munich (Germany) – 78 Koob

 

9. Al-Faisaly (Jordan) – 79 Koob

8. Benfica (Portugal) – 83 Koob

7. Barcelona (Spain) – 91 Koob

6. Real Madrid (Spain) – 93 Koob

5. Atletico Penarol (Uruguay) – 108 Koob

4. Celtic (Scotland) – 111 Koob

3. Club Nacional de Football (Uruguay) – 115 Koob

2. Rangers (Scotland) – 116 Koob

1. Al Ahly (Egypt) – 118 tKoob

Advertisements

1 Fekrad

  1. Waa qalad wxn meesha soo dhigtay ee iska sax marka hore man united 69 livrpl 68 qaar badan oo qaldan ayaa ku jira

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*