Waa Kuwee 5-ta Halyeey Ee Dhanka Gooldhalinta Wadarta Guud Ee Kubadda Cagta Kaga Sarreeya Cristiano Ronaldo?

Advertisements

Cristiano Ronaldo ayaa u dabaal dagay goolkiisii 700-aad ee kubadda cagta, wuxuuna shabaqa kasoo taabtay xulka Luxembourg kulan ka tirsan isreeb-reebka koobka qaramada yurub 2020, waxey u aheyd habeen weyn oo uu gaaray rikoor weyn iyo sidoo kale guul uu ku hogaamiyay qarankiisa.

Ronaldo ayaa horay u dhaliyay 699-gool isagoo saftay 972 kulan, waxeyna ka dhigan tahay in 457 kulan oo ka mid ah uu ugu yaraan hal gool dhalinayay, 12 tartan kala duwan ayuu shabaqa kasoo taabtay, waxeyna taasi ka dhigan tahay in 112 daqiiqo walba uu shabaqa taabanayay waana 47% kulamada uu ciyaaray marka lagu jaangooyo.

5-gool ayuu u dhaliyay Sporting Lisbon isagoo u saftay 31-kulan, 118-gool ayuu u dhaliyay Man United isagoo u saftay 292 kulan, 451-gool ayuu u dhaliyay 438-kulan uu u saftay Real Madrid, halka uu 32-gool dhaliyay 51-kulan uu Juventus u ciyaaray.

Marka guud ahaan wadarta guud la fiiriyo Ronaldo waa xiddiga saddexaad ee ugu goolasha badan kubadda cagta caalamka, kaliya shan halyeey oo horay usoo maray kubadda cagta ayaa ka sarreeya, waxaana ugu horreeya Josef Biscan oo u dhashay Austria, wuxuuna dhaliyay 805-gool.

Advertisements

Pele ayaa kusoo xiga oo dhaliyay 779-gool, halka Romariouu dhaliyay isagana 748, booska 4-aad waxaa ku jira Ferenc Puskas oo dhaliyay 709, halka qofka ugu dambeeya uu noqonayo Gerd Muller oo dhaliyay 701-gool.

34-jirkaan wuxuu u baahan yahay 105-gool si uu u noqdo xiddiga ugu goolasha badan guud ahaan taariikhda kubadda cagta, wey adag tahay inuu sidaas sameeyo, balse meesha lagama saari karo.

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

*