Waa Kuwan SADDEXDII Shaqsi Ee Uu Codkiisa Siiyay Sergio Ramos Ee Abaalmarinta THE BEST & Dookhiisa Codka Saddexaad Oo Kaa Yaabinaya.

Advertisements

Kabtanka kooxda Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa banaanka la keenay saddexda ciyaartoy ee uu ugu coddeeyay abaalmarintii xiddiga sanadka ee FIFA ee The Best oo uu xalay ku guuleystay hoggaanka Barcelona ee Lionel Messi.

Ramos ayaa kusoo baxay shaxda sanadka ee FIFA sidii caadada ahayd iyadoo aan kabtanka Madrid inta badan loo eegin nooca xilli ciyaareedkii uu soo qaatay balse uu si joogto ah uga soo dhalaalo masraxa ugu weyn kubadda cagta caalamka.

Xilli ciyaareedkii 2018-19 ayaa ahaa mid kamida xilli ciyaareedyadii ugu xumaa ee uu soo qaatay Ramos isagoo ku dhammaystay koob la’aan kaddib sanado dahabi ah isla markaana ay booska saddexaad ka galeen horyaalka La Liga.

Sidoo kale waxa cadaatay inaan marnaba hoos loo dhigi karin awooda xulasho ee xiddigaha Real Madrid iyadoo sidoo kale ay kasoo muuqdeen Luka Modric iyo Marcelo Vieira.

Haddaba, Arrinta kale ee xiisaha badan ayaa dhalatay kaddib markii ay FIFA shaacisay codadkii uu Ramos bixiyay iyo xiddigihii uu kala siiyay iyadoo codkiisa kaalinta saddexaad uu layaab noqday.

Sergio waxa uu booska koowaad ugu coddeeyay saaxiibkiisa Real Madrid ee Eden Hazard halka uu booska labaad ugu coddeeyay Ronaldo oo ay hore wakhti ugu soo wada qaateen Madrid balse waxa uu codka saddexaad siiyay Mohamed Salah.

Advertisements

Ramos and Salah's infamous clash in the 2018 CL final

Haddii aad labadii sano ee ugu dambeeyay aad ula socotay kubadda cagta waxaad dareemaysaa in Salah iyo Ramos aysan ahayn asxaabta ugu wanaagsan.

Ramos ayaa lagu eedeeyay inuu Salah ulakac u dhaawacay Final-kii Champions League ee 2018 iyadoo Salah uu dhinaciisa ka sheegay inuusan ka cafinin wixii uu ku sameeyay habeenkii Keiv.