Waa Kuwan Saddexda Tababare Ee Ugu Cad Cad Ee Qabsan Kara Bayern Munich Kaddib Bixitaankii Niko Kovac & Sababta Aysan Arsenal Ugu Fiicnayn.

Advertisements

Kooxda Bayern Munich ayaa wajahaysa xaalad tababare raadin ah kaddib bixitaankii macalin Niko Kovac o xilka tababarenimo ee kooxdeeda iskaga tagay kaddib guuldarro bahdilaad ah oo kaga timid Eintracht Frankfurt.

Natiijada kulankaas oo ahayd mid 5-1 ah ayaa Bayern ka dhigtay mid u dhacda booska afraad ee miiska kala sarreynta horyaalka iyagoo afar dhibcood ka dambeeya kooxda hoggaanka haysa ee Borussia Monchengladbach hal kulan oo kaliyana kasoo guuleystay afartii ugu dambeeyay ee horyaalka.

Dabcan Bayern ayaa xilli ciyaareedkan gudihiisa wakhtiyo wanaagsan soo qaadatay sida inay 7-2 kuso garaaceen Tottenham kulan Champions League ah balse cadaadiska ayaa tan iyo markaas ku bilaabmay.

Haddaba, Iyadoo ay haatan Bavaria tababare la’aan yihiin maamulka kooxdaasina ay ka fikirayaan magacaabista tababare cusub ayay saddexda magac ee ugu cad cadi yihiin Jose Mourinho iyo Maxi Allegri oo haatan shaqo la’aan ah iyo waliba Erik Ten Hag oo Ajax haysta.

Kaddib markii uu koobab kuso hantay dalalka  Portugal, England, Italy iyo Spain Mourinho ayaa aqbali lahaa inuu awoodiisa ku muujiyo Germany iyo waliba Bayern Munich walow in yar lala xidhiidhiyay kooxaas tan iyo ka bixitaankiisii Manchester.

Wararka Mourinho la xidhiidhinaya Bayern iyo inay kooxdaasi tababare deg deg ah u baahantahay ayaa naxdin ku ah Arsenal oo qudheedu isha ku haysa balse fursad iyo wakhti kale siinaysa Unai Emery oo haatan hoggaanka u haya.

Advertisements

Maxi Allegri ayaa sheegay inuu hal sano oo nasasho ah qorshaystay kaddib ka bixitaankiisii Juve ee xilli ciyaareedkii dhawaa balse fasaxiisa ayaa soo gaaban kara haddii ay Bayern damacdo, Allegri ayaa caan ku ah inuu qaab ciyaareedka ugu wanaagsan kasoo saaro xiddigaha waaweyn.

Ten Hag ayaa isaguna ah shaqsi ay aad u macquul tahay inuu la wareego jagada uu baneeyay Kovac, Tababaraha Ajax waa macalinkii hore ee akaademiga Bayern Munich waxaana uu dhawaan diiday inuu meesha ka saaro ku laabshada kooxaha waaweyn ee Germany.

One response to “Waa Kuwan Saddexda Tababare Ee Ugu Cad Cad Ee Qabsan Kara Bayern Munich Kaddib Bixitaankii Niko Kovac & Sababta Aysan Arsenal Ugu Fiicnayn.”

  1. shabakada aad ayan idin bogadinaya laakin waxaa qurux badan inaad ku soo dartaan weakly ahaan ciyaraha somaliyed ee degmooyinka wadanka ee leugeu u socdo waa ani aragti ahantayda hadi ay macquul tahay