Waa Kuwan Liiska SHANTA Kooxood Ee Uu Midkood Jose Mourinho Qabsan Doono – LABA Kooxood Oo Premier League Ah Oo Kasoo Muuqday.

Advertisements

Tababarihii hore ee kooxda Manchester United ee Jose Mourinho ayaa wali ku jira xaalad shaqo la’aaneed isagoo shaqooyin dhawr ah iska diiday isla markaana sugaya kuwo kooxo xiiso badan ay shaqadoodu galinayso.

Madaxweynaha kooxda Lyon ee Jean-Michael Aulas ayaa dhawaan xog cusub ka bixiyay xaalada Mourinho kaddib markii uu sheegay inuu Jose diiday shaqada kooxdiisa oo uu haatanba sii doortay kooxda xigta ee uu doonayo.

Haddaba, Waxaanu halkan idiinku soo bandhigi doonaa tiraba shan kooxood oo ay suurogal tahay inuu Jose Mourinho qabsado kaddib hadalka kasoo yeedhay Jean-Michael Aulas.

1: Paris Saint-Germain

Jose ayaa in badan lala soo xidhiidhin jiray shaqada kooxda ree France waxaana ay haatan u muuqataa xilli ku haboon oo uu shaqadeeda la wareego, Madaxda kooxdaas oo uu ugu horreeyo Nasser El Khellaifi ayaa doonaya ku guuleysiga Champions League Mourinho ayaana u muuqda shaqsi ku haboon.

2: Bayern Munich

Iyadoo uu Mourinho kasoo shaqeeyay horyaalada kala ah Portugal, England, Italy iyo Spain inuu ka hawl-galo Germany ayaa u noqon karta tijaabo cusub, Marka laga yimaad inuu kusoo guuleystay horyaalka Bundesliga, Tababare Niko Kovac ayuu cadaadis weyni saaran yahay isagoo ku fashilmay inuu ciyaartoy waaweyn qolka labiska ku qanciyo sida James Rodriguez iyo Thomas Muller oo haatan bixitaan isagu doonaya.

3: Tottenham

Sida uu dhawaan sheegay wargeyska Daily Mail, Mourinho ayaa doonaya inuu shaqada ka bedelo Mauricio Pochettino oo uu cadaadis saaran yahay, Kaddib garoonkooda cusub iyo haysashada Harry Kane oo kamida weeraryahanada dunida ugu fiican, Spurs ayaa soo jiidan kara Special One.

4: Everton

Jamaahiirta Toffees ayaa ku riyoonaya Mourinho balse lama filayo inuu qabsan doono kooxda ilaa ay madaxda sarre bangiga u jabiiyaan saxeexiisa, Marco Silva ayaa haatan ka qaata Everton £3 Milyan balse mushaharkii Mourinho ee wakhtigii Man United ayaa ahaa 18 Milyan sanadkii taas oo caqabad ku ah.

Advertisements

5: Real Madrid

Los Blancos waa kooxda kaliya ee la fahamsan yahay in Mourinho uu doonayo inuu qabsado isagoo xiisaynaya ku laabshada shaqadaas xidhiidh wanaagsana la leh madaxweyne Florentino Perez, Tababare Zidane ayaa haatan dareemaya culays cadaalad darro u muuqda oo uu ka cadhaysan yahay walow ay laba dhibcood hoggaanka horyaalka ku hayaan.

Comments are closed.