Tababaraha kooxda Manchester United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa lagu soo warramayaa inuu suuqa xagaaga kala dooran doono labada goolhaye ee kooxdiisa ee David De Gea iyo Dean Henderson oo uu ku qasbanaan doono inuu mid diro.
De Gea ayaa ahaa mid booska dookha koowaad ee goolhayaha Manchester haysta tan iyo imaatinkiisii sanadkii 2011 isaga oo noqday mudadaas mid kamida goolhayayaasha ugu fiican dunida.
Laakiin qaladaad dhawr ah oo uu sameeyay xilli ciyaareedyadan ugu dambeeyay ayaa sababay in su’aal laga keeno doorkiisa Man United.
Dhinaca kale Henderson oo kasoo baxay akaademiga Red Devils ayaa soo cajabiyay macalimiinta kooxdaas mudada ay arkayeen.
Deano ayaa laba sano oo amaah ah kusoo qaatay kooxda Sheffield United oo ahayd halkii uu horumarka ugu badan kusoo sameeyay.
Henderson oo labadaas xilli ciyaareed Blades ka caawiyay inay usoo dalacaan Premier League iyo inay 10-ka sarre ku dhammaystaan ayaa tan iyo imaatinkiisii Old Trafford keydka u galay DDG.
Sida uu sheegayo wargeyska The Sun, Tababaraha ree Norway ayaa go’aansan doona xagaaga inuu diro mid ahaan De Gea iyo Hendo.
App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora