Waa Kuwan LABADA Xiddig Ee Ay Ciyaartoyda Manchester City U Arkaan Kuwo Hubaal Kooxdooda Ka Tagaya Sanadkan

Xiddiga mudada dheer muhiimka usoo ahaa Manchester City ee Sergio Aguero iyo Fernandinho ayaa iskaga tagi doona kooxdaas dhammaadka xilli ciyaareedkan sida lagu sheegay warbixin cusub.

Advertisements

Heshiisyada ay labada xiddig ku joogaan Manchester City ayaa ah kuwo dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedkan oo ay kaliya bilooyin ka hadheen, wargeyska The Athletic ayaa sheegaya in xiddigaha kooxdu ay u arkaan Fernandinho iyo Aguero oo udub dhaxaad usoo ahaa horyaalada ay kooxdu qaaday ay bixi doonaan.

Man City's double boost for West Ham trip

Fernandiho oo bisha May 36 sano jirsan doona ayaa la sheegayaa in haddiiba uu City ka tagayo uu haysto dalabaad badan oo miiska u saaran, sidoo kale Aguero oo xilli ciyaareedkan dhaawacyo dishoodeen ayaa sidoo kale loo arkaa xiddig ay kooxo badani ku dagaalamayaan.

Fernandihno ayaa la sheegayaa inay jirto suurogalnimo uu ugu laaban karo kooxda Atletico Paranaese oo ah kooxdiisii ugu horreysay ee xirfadiisa ciyaareed oo Brazil ka dhisan.

Advertisements

Saamaynta uu Fernandinho ku dhex leeyahay garoonka ayaa noqotay mid yar, xilli ciyaareedkan waa xiddiga 17-aad ee daqiiqadaha ugu badan u ciyaaray City balse saamayntiisa ka kabtan ahaan ee garoonka banaankiisa ayaa ah mid weyn.

Dhinaca kale Aguero ayay xaaladiisa la socdaan kooxo ay kamid yihiin Barcelona iyo Inter Milan, horraantii bishan ayay ahayd markii wargeyska Sportsmail uu shaaciyay in Aguero uu ka cabsi qabo in waayihiisii City ay sidaas kusoo dhammaadaan.

Aguero oo ah gool dhaliyaha abid ugu sarreeya taariikhda Manchester City isla markaana ah xiddigoo goolkiisa u keenay horyaalkii ugu horreeyay ee Premier League ah sanadkii 2012 ayaa khaati ka taagan sida ay kooxdiisu dhinac ugu ridi la’dahay mustaqbalkiisa.

Advertisements

 

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*