Waa Kuwan LABADA Saxeex Ee Uu Ole Gunnar Solkjaer Ka Dalbaday Maamulka Man United Suuqa Bisha January.

Advertisements

Tababaraha kooxda Manchester United oo kulan la qaatay madaxda sarre ee kooxdiisa kaddib guuldarradii kasoo gaadhay West Ham United ayaa lagu soo warramayaa inuu ka codsaday saxeexyada Ousmane Dembele iyo Mario Mandzukic

Solskjaer ayaa doonaya inuu iska soo xoojiyo weerarka uu kooxda ku haysto kaddib markii uu suuqii xagaagii inay baxaan u ogolaaday Romelu Lukaku iyo Alexis Sanchez oo labaduba Inter Milan ku biiray bedelkoodana aan la keenin Old Trafford.

Anthony Martial iyo Marcus Rashford oo ah labada weeraryahan ee haatan ugu muhiimsan Red Devils ayaa u muuqda kuwo aan si buuxda masuuliyadaas uga soo bixi karayn iyagoo dhibaatooyin dhaawac haatan qaba.

Kaddib kulankii West Ham, Ole ayaa kulan la qaatay guddoomiye ku xigeenka Manchester ee Ed Woodward si uu ugala xaajoodo arrimaha suuqa bisha January ee soo socda.

Advertisements

Sida uu sheegayo wargeyska Independent, Mandzukic oo ay sidoo kale doonayeen suuqii xagaagii ayaa markale bar-tilmaameed u noqon doona halka sidoo kale la isla soo hadal qaaday magaca Dembele.

Dembele ayaan la filayn inuu marnaba sahal ugu biiro Old Trafford sababtoo ah qiimaha 100-ka Milyan iyo ka badan ah ee ay ku doonayso Barca.