Waa Kuma Xiddiga Weyn Ee Uu David Beckham Wakiil U Noqonayo Isagoo Bilaabaya Shaqadiisa Cusub Ee Wakiilnimo?

Advertisements

David Beckham ayaa diyaar u ah inuu bilaabo shaqadiisa cusub ee wakiilnimo.

Xiddigii hore ee Manchester United iyo Real Madrid ayaa diiwaangeliyay shirkadiisa wakiilnimo ee Footwork Management Ltd bishii Septeber iyadoo saaxiibkiis Dave Gardner iyo madaxiisii hore ee suuqgeynta Nicola Howson ay agaasimayaal ka yihiin.

Wargeyska Daily Mirror ayaa sheegay bishii hore in xiddiga u soo baxaya Manchester United ee Mason Geenwood inuu ka mid noqonaya xiddigaha uu wakiilka u yahay David Beckham.

Beckham ayaa mashquul ahaa tan iyo markii uu ciyaaraha ka fariistay sannadkii 2013 isagoo haatan gabagabeynaya kooxdiisa cusub ee ka ciyaareysa horyaalka Mareykanka.

Inter Miami ayaa la filayaa inay ka ciyaarto horyaalka MLS sannadka 2020, waxaana lala xiriiriyay xiddigaha sida Mesut Ozil iyo Edinson Cavani.

David Beckham oo sidoo kale doonaya inuu wakiil u noqdo qaar ka mid ah xiddigaha ugu waa weyn kubada cagta ayaa ku dhow inuu soo xerogeliyo mid ka mid ah xiddigaha ugu fiican dunida waqti xaadirkaan.

Sida ay sheegtay jariirada Daily Mail, kabtankii hore ee England ayaa bartilmaameedsanaya weeraryahanka PSG Kylian Mbappe inuu ka dhigto xiddiga ugu weyn ee uu wakiil u noqdo.

Advertisements

Waxa ay heshiis weyn u noqon doontaa Beckham iyo shirkadiisa. Mbappe ayaa France la qaaday Koobka Adduunka sannadkii hore, waxaana loo arkaa xiddig mustaqbalka ku guuleysan kara Ballon d’Or.

Kooxaha Real Madrid iyo Manchester City ayaa la sheegayaa inay xiiseysanayaa saxiixa 20 jirkaan.