Waa Kuma Xiddiga Real Madrid Ka Tirsan Ee Ka Cadhooday Inay Champions League Ku Beegmeen Liverpool & Sababta Yaabka Leh Ee Keentay?

Garabka weerar ee kooxda Real Madrid ee Eden Hazard ayaa la xusayaa inuu ka cadhooday in kooxdiisu ay wareega siddeed dhammaadka ee UEFA Champions League ku aaday dhigeeda Premier League ka ciyaarta ee Liverpool.

Advertisements

Kooxda uu hoggaanka u yahay tababare Jurgen Klopp ayaa 6da bisha dambe ee April booqanaysa dhigeeda Real Madrid kahor inta aysan lugta labaad siddeed maalmood kaddib kusoo dhawaynin Anfield.

Hazard to miss the start of the season - BeSoccer

Hazard oo hore ugu soo ciyaaray Chelsea isla markaana mudo dheer lasoo xifaaltamayay Liverpool ayaa la fahamsan yahay inuu ka cadhooday isku aadkaas sababtoo ah inuu ugu yaraan lugta hore seegayo haddiiba uusan labada ciyaaroodba maqnaan.

30 sano jirkaas ayaa aaminsan in kulan uu kaga hortago Liverpool uu noqon lahaa mid siiya fursad wanaagsan oo uu dib ugu soo nooleeyo waayihiisa gaabiska ku bilaabmay ee Real Madrid sida lagu sheegay il-wareedka DefensaCentral.

Advertisements

Wargeyska Spanish-ka ah ayaa sheegaya in Eden uu Liverpool u arko koox uu xifaaltan gaar ahi kala dhaxeeyay toddobadii sano ee uu u ciyaarayay Chelsea isla markaana inuu iyaga kahor tagaa ay kulanka labada kooxood ka dhigi lahayd midkii isaga ku haboonaa ee uu Zinadine Zidane ku tusi lahaa waxa uu awoodo.

Wakhtiga Eden Hazard uu ku qaaday Madrid ilaa haatan ayaa ah mid ay dhaawacyo saamayn balaadhan ku yeesheen maadaama oo uu kaliya 36 kulan usoo ciyaaray Los Blancos tan iyo markii uu yimid sanadkii 2019.

Hazard ayaa xilli ciyaareedkan 14 kulan oo kaliya usoo ciyaaray Real Madrid haatana waxa uu ku maqan yahay dhaawac muruqa ah oo la filayo inuu xidhiidh la leeyahay canqawgiisa oo ah halka ay dhibta ugu badani ka gaadhay

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*