Waa Kuma Xiddiga Real Madrid Ee Lacagta Badan Ka Sameynaya Tiktok?

Advertisements

Xiddiga badan oo kubada cagta ah ayaa haatan waqti geliya baraha bulshada iyo ciyaar gacmeedka online-ka ah.

Sannado ka hor tani qeyb kama aheyn nolosha ciyaartoyda, laakiin soo shaac bixida Instagram, YouTube, Twitch iyo kuwa la mid ah waxay go’aansadeen inay qeyb ka noqdaan oo ay ka faa’ideystaan.

Toni Kroos oo ka mid ah xiddigaha ugu magaca weyn Real Madrid ayaa ku biiray barta bulshada ee TikTok bilo ka hor, iyadoo muuqaaladiisa ay noqdeen kuwa si weyn loo daawado loona wadaago.

Mid ka mid ah muuqaaladii ugu danbeeyay ee uu soo dhigay bogiisa TikTok (toni.kr8s) waxay gaartay afar milyan halka ay bogiisa ku taxan yihiin nus milyan qof.

Ciwaanka la xaqiijiyay ee Kroos wuxuu haatan u noqday mid uu lacag ka sameeyo, Kroos ayaana u soo jeestay inuu lacag ka helo muuqaalada uu soo dhigo baraha bulshada.

Inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn cadadka lacagta uu ka sameeyo TikTok hadana waxaa la sheegayaa inay gaareyso dhowr kun euro bil walba iyadoo la filayo in lacagtaas ay sarre u sii kacdo marba marka ka danbeysa.

Kroos oo 31 sanno jir, waxaana waayihiisa ciyaareed ka hartay dhowr sannadood kale. Qandaraaskiisa Real Madrid waxa uu dhacayaa bisha Juun 2023.

Kroos wuxuu u soo dheelay kooxaha FC Hansa Rostock, Bayern Munich, Bayer Leverkusen iyo Los Blancos uu haatan joogo. Marka uu ciyaaraha ka fariisto, Tiktok ayaa u noqon karta meesha xigta ee uu lacag ka sameyn karo.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*