Waa Kuma Xiddiga Mustaqbalka Manchester United Lagu Tilmaami Jiray Ee Maanta Sida Rasmiga Ah Uga Tegay Old Trafford?

Advertisements

Manchester United ayaa sii sagootiday mid ka mid ah xiddigaheeda oo maanta u duulay waddanka Jarmalka oo uu kaga biirayo naadi kale.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa ku dhegsan koox khabiirro u badan oo aanay inta badan fursad ka helin ciyaartoyda da’da yar marka laga reebo Scott McTominay, waxaanay taasi dhibaato ku noqotay laacibiinta da’da yar ee u baahan inay helaan ciyaaro joogto ah si ay xirfad ahaan ugu koraan.

Timothy Fosu-Mensah oo ka mid ah ciyaartoyda mustaqbalka ay Manchester United u haysatay ayaa maanta oo Salaasa ahayd u duulay waddanka Jarmalka iyadoo uu sii macasalaameeyey kooda.

23 jirkan ayaa la sheegay inuu ku biirayo kooxda reer Germany ee Bayer Leverkusen oo uu si rasmi ah uga mid noqonayo, taas oo meesha ka saaraysa inuu kusoo laabto Old Trafford.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa ku warrantay in Bayer Leverkusen ay bixiso lacag dhan £1.5 milyan oo Gini.

Red Devils ayaa ku qasbanaatay inay laacibkan iibiso kaddib markii uu iska diiday inuu u saxeexo heshiis cusub xilli uu qandaraaskiisa horena ku ekaa dhamaadka xili ciyaareedkan.

Timothy Fosu-Mensah ayaa go’aansaday in aanu heshiiskiisa kordhin maadaama aanu boos ka helaynin Manchester United, isla markaana uu Ole Gunnar Solskjaer dhinaca midig ka ciyaariiyo Aaron Wan-Bissaka oo marka uu dhaawacan yahayna uu booskaas geeyo Tuanzebe ama Lindelof.

Laacibkan ayaa sannadkii 2014kii kusoo biiray kulliyadda da’yarta Manchester United, waxaana uu markii hore ka ciyaarayay khadka dhexe, hase yeeshee February 2016kii ayuu isagoo 18 jir ah ka ciyaaray difaaca bidix kulan ay Manchester United ka hor tagtay Arsenal.

Intaas wixii ka dambeeyey waxa la geeyey difaaca midig oo uu saddex maalmood kaddib ciyaarta Arsenal ba ka ciyaaray kulankii ay Manchester United la dheeshay Watford.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*