Waa Kuma Xiddiga Liverpool Ka Tirsan Ee Sababta U Noqon Kara In Luis Suarez Uu Kooxda Kusoo Laabto Sanadkan?

Garabka weerar ee kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa la xusayaa inuu hayo furaha uu weeraryahanka Atletico Madrid ee Luis Suarez ugu soo laaban karo kooxda suuqa xagaaga ee dhammaadka xilli ciyaaredkan.

Advertisements

Xiddiga ree Uruguay ayaa ahaa mid wacdarro ku dhigayay Anfield tan iyo markii uu uga tagay Barcelona sanadkii 2014, suuqii hore ayay ahayd markii lagu qasbay inuu ka baxo Camp Nou waxaana uu xilli ciyaareedkan horyaalka ku hoggaaminayaa Atletico.

Laakiin Suarez oo hadda 34 sano jir ah ayay macquul tahay inuusan joogin Atletico haddiiba uu Mohamed Salah lacag badan kaga tago Liverpool xagaaga, Reds ayaa dib usoo dhawayn kara weeraryahankoodii hore sida lagu qoray il-wareedka Fichajes.

Marka laga yimaado xaqiiqada ah in Suarez uu gelayo sanadihii ugu dambeeyay ee waayihiisa ciyaareed markale ayuu xilli ciyaareedkan qaab ciyaareed holac ah kusoo jiray isaga oo soo muujiyay inuu wali heerka ugu sarreeya ka ciyaari karayo.

Advertisements

Suarez oo dhawr mar sheegay sida uu uga cadhooday qaabkii ay maamulka Barcelona ula dhaqmeen markii uu baxayay ayaa 19 gool kusoo dhaliyay 25 kulan oo uu horyaalka La Liga ka ciyaaray.

Luis ayaa ahaa mid hoggaamiye ka ah Liverpool mudadii uu joogay waxaana uu usoo dhaliyay 82 gool kaddib 133 kulan, dhibta kahor istaagi karto inuu kusoo laabto Anfield ayaa ah in da’diisa iyo mushaharkiisu aysan u muuqan kuwo ku haboon siyaasada mulkiilayaasha FSG.

Liverpool ayay ku banaanaan doontaa meel weyni haddiiba uu Salah ka tago xagaaga, 28 sano jirkaas ayaa horraantii xilli ciyaareedkan waraysi uu siiyay wargeyska AS ku sheegay inuu u furan yahay ku biirista Barcelona ama Real Madrid.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*