Waa Kuma Xiddiga Livepool Ka Tirsan Ee Sababay Inay Chelsea Garaacaan? Tababare Frank Lampard Qudhiisa Ayaa Shaaca Ka Qaaday.

Advertisements

Tababaraha kooxda Chelsea ee Frank Lampard ayaa si cad farta ugu fiiqay xiddiga ka tirsan kooxdii ay shalay la ciyaareen ee Liverpool ee sababta u ahaa inay guuldarro kagala kulmaan gegida Stamford Bridge.

Kooxda loolanka xoogan ugu jirta hanashada horyaalka xilli ciyaareedkan ee Liverpool ayaa guul 2-1 ah kasoo gaadhay xiddigaha da’yarta u badan ee Chelsea walow ay ku sigteen in bar-bardhac lagu qabto qaybihii dambe ee ciyaarta.

Ugu horreynba tababare Lampard oo la weydiiyay haddii qaab ciyaareedka kooxdiisu uu ka wanaagsanaa sidii hore kulankii Liverpool ayaa yidhi “Qaab ciyaareedka, Haa, Gaar ahaan qaybtii dambe”.

Dhinaca kale Frankie oo ka hadlaya sababtii guuldarrada ku sababtay kulankii shalay ayaa sheegay inuu yahay weeraryahanka Liverpool ee Roberto Firmino kaas oo aysan raacasho ku samayn markii uu goolka labaad qaabka madaxa ah kaga dhalinayay.

Lampard oo hadalkiisa sii watay ayaa yidhi “Iyadoo ay sidaasi jirto, Waa inaad sheegto in xoguhu ay kulamada guuldarro kusoo gaadhsiinayaan, Firmino ayaa kulankan na guuldareeyay anaga sababtoo ah maanu raacanin”.

Advertisements

“Laakiin qaabka aanu u ciyaarnay qaybtii dambe waa qaabka aanu doonayno inaanu noqono waxaananu ku samaynay Liverpool”.

“Marka aad wakhtiga nasashada 2-0 ku dambayso waxaad aamini kartaa in kooxdani (Liverpool) ay aad u fiicantahay oo aanaan natiijada dhinaca kale u rogi karin, Laakiin waxaanu samaynay midaas caksigeeda laakiin waxaanu u baahanahay dhibco”.