Waa Kuma Xiddiga Cajiibka Ah Ee Bayern Munich Ka Tirsan Ee Ku Riyooda Inuu Maalin U Ciyaaro Manchester United?

Advertisements

Sida ay sheegayaan warar cusub oo laga helayo ilo xog ogaal ah oo dalka Germany ah, daafaca dhexe ee kooxda Bayern Munich ee Niklas Sule ayaa ah mid si weyn ugu riyooda inuu maalin uun u ciyaaro kooxda Premier League ee Bayern Munich.

Raadinta saxeexa daafac dhexe ee Man United ayaa markale soo laaban karta bisha January walow ay haatan booskaas u haystaan xiddigo ay ugu muhiimsan yihiin Harry Maguire iyo Victor Lindelof.

Ole Gunnar Solskjaer oo la sheegay inuu suuqii xagaaga saxeexa daafac dhexe oo bidixle ah ka doonayay ayaa rabay Nathan Ake oo AFC Bournemouth ka tirsanaa kahor intii uusan u wareegin dhinaca kooxda ay xifaaltamaan ee Manchester City.

Advertisements

Kaddib Ake, United ayaa isha ku haysay dookhyo kale waxaana kamid ahaa Dayot Upamecano oo wacdarro kusoo dhigay RB Leipzig sanadahan ugu dambeeyay.

Si kastaba, wargeyska Germany caanka ka ah ee Bild ayaa xusaya in u ciyaarista Red Devils uu ku riyoodo Niklas Sule.

Rabitaankiisa iyo riyadiisa ayaa noqon karta mid Man United ku dhiirigelisa inay saxeexiisa u dhaqaaqaan iyadoo uusan waliba boos joogto ah haysan muddooyinkan ugu dambeeyay.

United ayaa wakhtiyo hore xiiso u muujisay Niklas, il-wareedka Sport1 ee ree Germany ayaa sanadkii 2019 sheegay inay kooxdaasi isku day-day saxeexa Sule.

Advertisements

 

Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*