Waa Kuma Xiddiga Atletico Madrid Ee Ay Man United Dooneyso Inay Ku Buuxiso Booska Paul Pogba Iyo Scott McTominay?

Advertisements

Manchester United ayaa isku dayi doonta inay amaah kula soo wareegto xiddiga khadka dhexe ee Atletico Madrid Marcos Llorente si ay ugu daboolaan dhaawacyada khadka dhexe ee kooxda aafeeyay, sida ay sheegtay jariirada Manchester Evening News.

Ole Gunnar Solskjaer ayaa haatan waxaa ka maqan Paul Pogba iyo Scott McTominay iyadoo ay ku yar yihiin doorashadiisa khadka dhexe.

Sida ay sheegtay Manchester Evening News, United ayaa rag soo daawada u dirtay Llorente iyagoo u arka inuu adkeyn karo khadkooda dhexe ilaa iyo dhamaadka xilli ciyaareedka.

Waxaa la sheegay in Red Devils ay ciyaartoy ka raadineyso wadamada kale ee Yurub bedelkii ay ka raadsan laheyd Premier League iyagoo isku dayaya inay heshiis amaah ah sameeyaan ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga.

Llorente ayaa ku soo bilowday seddex ka mid ah 19kii kulan ee ay Atletico Madrid ciyaartay tan iyo markii uu 35 milyan ginni uga soo wareegay kooxda Real Madrid xagaagii hore.

United ayaa la sheegay inay bartilmaameedsaneyso ciyaartoy aan wax badan dheelin xilli ciyaareedkan, 24 jirkaan ayaana ku haboon waxa ay raadineyso Red Devils.

Advertisements

Llorente ayaa kaliya ciyaaray 16 daqiiqo horyaalka iyo Champions League labadii bilood ee ugu danbeysay, laakiin waxa uu kursiga keydka ka soo kacay labadii kulan ee Spanish Super Cup ee semi-finalka iyo finalka ee isbuucii la soo dhaafay.

Manchester Evening News ayaa sheegtay in Marcel Bout oo dhanka suuqa kala iibsiga u qaabilsan United uu dhowr jeer u safray Spain xilli ciyaareedkan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.