Waa Kuma Xiddiga Arsenal Ee Loo Diiday Qolka Labiska Ee Garoonka Tababarka Ee Kooxda 1aad Inkastoo Uu Safka Kooxda Ku Jiro Mar Walba?

Advertisements

Arsenal ayaa soo saartay xiddigo qaar xilli ciyaareedkan sida Joe Willock iyo Bukayo Saka waxayna helayaan fursado ka badan intii ay heli jiraan xilli ciyaareedyadii ka horeeyay.

18 jirka Bukayo Saka ayaa 11 daqiiqo kaliya ciyaaray xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, laakiin xilli ciyaareedkan waxa uu ku soo bilowday kulamo badan isagoo wacadarro dhigaya.

Inkastoo uu si fiican ku bilowday xilli ciyaareedka hadana Saka weli ogolaansho looma siinin inuu isticmaalo adeegyada xiddigaha kooxda koowaad.

Sida ay sheegtay jariirada The Sun, weli looma ogolaanin qolka labiska xiddigaha waa weyn ee garoonka tababarka Arsenal ee lagu magacaabo London Colney.

Waxa uu isku soo diyaariyaa qolka labiska akadeemiga ilaa iyo inta si rasmi ah loogu martiqaadayo inuu qeyb ka noqdo xiddigaha kooxda waa weyn.

Qolalka labiska ee xiddigaha waa weyn iyo kuwa akadeemiga ayaa ah kuwa kala baxsan garoonka tababarka sida inta badan ay sameeyaan kooxaha waa weyn.

Advertisements

Saka ayaan weli lagu martiqaadin inuu qeyb ka noqdo xiddigaha waa weyn laakiin waxa uu soo jiitay halyeeyga Gunners Freddie Ljunberg kaasoo caawiye u ah tababare Unai Emery.

Xiddigii hore ee Sweden ayaana si gaar ah macalin ugu noqday Bukayo Saka si uu u faham siiyo taatikada tababare Emery.