Waa Kuma Xiddiga AC Milan Ee U Dabaaldegay Sidii Xanuunka Laheyd Ee Ay Juventus Uga Hartay Champions League?

Daafaca AC Milan Diogo Dalot ayaa u hambalyeeyay FC Porto ka dib markii ay Juventus ku reebeen wareega 16ka Champions League.

Advertisements

Dalot oo 21 sanno jir ah ayaa ah xiddig ka soo baxay akaadimaga kooxda reer Portugal ee FC Porto.

Wuxuu ka tagay kooxda FC Porto sannadkii 2018 isagoo ku biiray Manchester United heshiis gaarayay 22 milyan euro, wuxuu xagaagii hore amaah uga soo tagay Red Devils isagoo caga dhigtay AC Milan.

Daafaca garab ee reer Portugal ayaa fariin hambalyo ah ugu qoray kooxdiisa hore ee FC Porto ka dib markii ay reebeen Juventus oo ay u soo baxeen wareega sideed dhamaadka Champions League.

“Xusuus,” ayuu Dalot ku qoray luqada dalkiisa isagoo raaciyay wadno buluug ah oo ku muujinayo jaceylka FC Porto.

Qoraalka uu soo dhigay Twitter oo uu sidoo kale ku tag-gareeyay akoonka FC Porto ayaa laga bixiyay faalo badan iyadoo taageerayaasha AC Milan ay sidoo kale u dabaaldegayeen in Juventus ay ku kuftay wareega 16ka Champions League mar kale.

Waxay sidoo kale weydiisanayeen taageerayaasha in Dalot uu wacdarro muujiyo kulanka uu ka horimaanayo kooxda iska lehe ee Manchester United habeenka Khamiista ee tartanka Europa League.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*