Waa Kuma Mashiinka Gooldhalinta Ee Ay Saxeexiisa Wada Doonayaan Arsenal, Man United, Man City Iyo Liverpool?

Afarta kooxood ee Premier League ee kala ah Manchester City, Manchester United, Arsenal iyo Liverpool ayay soo baxeen warar sheegaya inay dhammaantood doonayaan weeraryahanka Red Bull Salzburg ee Patson Daka.

Advertisements

Xiddiga Zambian-ka ah ayaa kusoo raaxaystay xilli ciyaareed wanaagsan oo uu lasoo qaatay kooxda ree Austria isaga oo 31 kulan kusoo dhaliyay 27 gool tartamada oo dhan oo ay kamid ahaayeen 20 gool oo uu kasoo dhaliyay 18 kulan oo horyaalka dalka ah.

PREMIER LEAGUE : ARSENAL, WEST HAM LINKED WITH DAKA

Daka ayaa sidoo kale kulamadii ka horreeyay xilli ciyaareedkan ee saaxiibtinimo 2 gool kasoo dhaliyay Liverpool halka uu sidoo kale kooxdiisa kasoo caawiyay guul ay ugu soo baxday Champions League oo ay isreeb-reeb usoo martay.

Patson Daka ayaa ah mid lagu qiimeeyo haatan 20 Milyan oo euro lacagta suuqa lagaga heli karo balse qiimahaas ayaa la filayaa inuu kor u kici doono marba haddii ay kooxo badani xiiso u muujiyaan.

Advertisements

Waraysi uu sanadkan siiyay BBC Sport, Daka ayaa si cadaan ah u sheegay hammigiisa ah inuu u wareego horyaalka Premier League oo uu raaco wadada halyeeyada ree Africa ee horyaalkaas kasoo dhalaalay.

“Inaad aragto walaalahayaga waaweyn sida Aubameyang, Salah iyo Mane, waa wax aniga i siinaya riyo ah inaan aniguna sidoo kale samayn karo, waxaan noqon karaa sidooda oo kale, iyagu waa dhiirigelintayda, aniga oo og inay sidoo kale Africa ka yimaadeen”

Tababaraha xulka qaranka Zambia ayaa sidoo kale sheegay sida uu rajo weyn uga qabo 22 sano jirkaas isla markaana uu dhaafi karo halyeeynimada qaarada ee Samuel Eto’o oo kale.

Dhammaan afarta kooxood ee Premier League ee saxeexa Daka lala xidhiidhinayo ayaa ah kuwo dhib ku qaba xilli ciyaareedkan gool dhalinta iyadoo ay Man United tahay kooxda kaliya ee cel-celiska goolasha ay kulan kasta kasoo dhalisay ay ka badan yihiin midkeedii xilli ciyaareedkii hore.

Advertisements

 

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*