Waa Kuma Da’yarka Lagu Naanayso “New Lionel Messi” Ee Ay Saxeexiisa Ku Tartami Doonaan Man City, Man United & Barcelona?

Saddexleyda kooxaha ah ee kala ah Manchester City, Manchester United iyo Barcelona ayay warar cusubi sheegayaan inay ku dagaalami doonaan saxeexa da’yar lagu naanayso Lionel Messi-ga cusub.

Advertisements

Xiddiga da’yarta ah ee kooxda Rapid Vienna ee Yusuf Demir ayaa ah mid xiiso ka helaya kooxo waaweyn oo Yurub ah kaddib qaab ciyaareed heer sarre ah oo uu soo bandhigayay dhawaanahan.

Image

Man United ayaa markale galaysa xilli suuq xagaa oo mashquul badan waxaana ay rabaan inay sii wadaan siyaasada ah in la saxeexdaan xiddigo da’yar ah oo mustaqbal fiican leh.

Yusuf Demir oo ah 17 sano jir ayaa ah mid ka ciyaari kara boosas badan oo kala ah labada garab weerar iyo waliba booska No.10-ka ee weeraryahanka dabadiisa.

Advertisements

Demir ayaa xilli ciyaareedkan laba gool ka dhaliyay tartamada Yurub, gool ayaa ahaa mid uu ka dhaliyay Europe League halka uu midka kale ka dhaliyay kulamadii isreeb-reebka Champions League.

Warbixintan oo ah mid lagu qoray wargeyska ree Germany ee Fussball Transfers ayaa lagu sheegay in kooxda ree Spain ee Barcelona ay tahay mida ilaa hadda hoggaaminaysa saxeexa Yusuf Demir.

Madaxweynaha cusub ee Barcelona ee Joan Laporta ayaa u muuqda mid xil iska saaray sidii uu da’yarkaas kula saxeexan lahaa, Laporta ayaa qorshayaal waaweyn la yimid Camp Nou waxaana la xusayaa inuu doonayo in saxeexa Demir si deg-deg ah loo dhammeeyo.

Demir ayaa lagu naanaysay “Austrian Lionel Messi” waxaana uu booska Barca ka dhaxli karaa Messi haddiiba uu halkaas ugu biiro lacagta 5ta Milyan ee Pound ah ee lagu heli karo.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*