Waa Kuma Ciyaartoyga La Aamusiin Kari Waayey Markii Uu Maqlay Shilka Diyaaradeed Ee Uu Ku Dhintay Kobe Bryant?

Advertisements

Baroor-diiqda halyeygii NBA-da ee Kobe Bryant ayaa dunida oo dhan ka socota, waxaana taariikhisiisa dhaxalkii uu ka tegay wadaagaya inta xiisaysa ciyaaraha kala duwan, kuwaas oo doonaya inay wax badan ka ogaadaan laacibka xalay fiidkii shilka diyaaradda ku geeriyooday.

Markii uu soo yeedhay warka dhiillada leh ee geerida Kobe Bryant, inantiisii 13 jirka ahayd iyo lix qof oo kale oo wada saarnaa diyaarad helicopter ah oo ku burburtay Los Angeles, USA, waxa qof walba oo yaqaanay ay ku noqotay wadne-gariid, laakiin mid ka mid ah ciyaaryahannada oo ay waliba xafiiltami jireen ayaa oohin joojin waayey.

Advertisements

Laacibka LeBron James oo hadda ka tirsan kooxdii uu Kobe Bryant u ciyaari jiray ee Los Angeles Lakers, ayaa ilmada shalaqsaday isla markaana la aamusiin kari waayey isagoo taagan meel shaaric ah markii uu maqlay warka diyaaradda iyo geerida saaxiibkii.

LeBron James ayaa nasiib u yeedhay in hambalyadii ugu dambaysay uu ka helo Kobe Bryant shalay subaxii markii uu jabiyey rikoodhkiisii gool-dhalinta oo uu kala wareegay kaalinta saddexaad ee laacibkii dhibcaha ugu badan ka dhaliyey horyaalka NBA.

Comments are closed.