Waa Kee Xiddigii Ugu Horreeyay Ee Gool Uu Dhaliyay Ugu Hadiyeeyay Halyeeyga Kubadda Koleyga Kobe Bryant Ee Shilka Ku Geeriyooday?

Advertisements

Xiddiga Paris Saint Germain Neymar Junior ayaa gool u hadiyeeyay halyeeyga kubadda koleyga ee geeriyooday (Kobe Bryant) waxyar uun kadib markii la sheegay inuu shil diyaaradeed galay.

Kobe Bryant ayaa ku geeriyooday gobolka California axadii kadib markii diyaarad nuuca qumaatiga u kacda oo uu saarnaa ay burburtay.

Dhamaan dadyowga caalamka ee yaqaana Bryant ayaa si dareen leh fariimo usoo dhigay baraha bulshada, balse xiddiga reer Brazil Neymar wuxuu noqday xiddigii ugu horreeyay ee gool hadiyad uga dhigay.

Neymar wuxuu dhaliyay rigoore intii ay socotay qeybtii labaad ee ciyaarta kulan ay la ciyaareen Lille, wuxuuna kaamirooyinka hortooda ku muujiyay lambarka uu caanka ku yahay Kobe Bryant ee (24).

Advertisements

Halyeeyga LA Lakers (Kobe Bryant) ayaa sanadkii 2017 booqday xerada tababarka Paris Saint Germain, wuxuuna la kulmay Neymar iyo Kylian Mbappe.

Neymar ayaa kadib booqashadaas sawir la galay Kobe, wuxuuna kusoo qoray “Halyeey”.

Comments are closed.