Waa Kan Xiddiga Keenay In Madaxweynaha Real Madrid Ee Florentino Perez Uu Aad Uga Cadhoodo Man United & Sababta Cadhadiisa

Madaxweynaha kooxda Real Madrid ee Florentino Perez ayaa la xusayaa inuu aad ugaga cadhaysan yahay kooxda Manchester United inay ku haysato oo ay kula tartamayso saxeexa daafaca dhexe ee Villarreal iyo xulka Spain ee Pau Torres.

Advertisements

Daafaca kooxda Villarreal ayaa ah mid suuqa xagaaga ee sanadkan aad loo doonayo waxaana la filayaa in Ole Gunnar Solskjaer uu ku darsaday liiska xiddigaha bar-tilmaameedka u ah.

Manchester United want to sign Pau Torres | Marca

Man United ayaa xiisaynaysa saxeexa daafac dhexe oo ay doonayaan inay lamaane kala dhigaan kabtankeeda Harry Maguire, wararka ayaa sheegaya in Solskjaer uu doonayo daafac dhexe oo lugta bidix ku ciyaara taas oo ka dhigan in Pau uu si fiican ugu haboon yahay rabitaankaas.

Torres ayaa xilli ciyaareed fiican ku hoos qaadanaya tababare Unai Emery waxaana la filayaa inuu Sergio Ramos si wadajir ah ugula soo bilaaban doono tartanka Euro.

Advertisements

Wargeyska Manchester Evening News ayaa dhawaan sheegay in ciyaaryahanka qudhiisu uu aad u xiisaynayo inuu Old Trafford u wareego walow ay sidoo kale xiiso u muujinayso kooxda ay magaalo xifaaltamaan ee Manchester City.

Real Madrid ayaa hore u aaminsanayd inay boos wanaagsan u joogto saxeexa Torres iyaga oo u doortay bedelka Ramos oo heshiiskiisa kooxdu dhacayo dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Si kastaba, sida uu sheegay wargeyska Spanish-ka ah ee El Desmarque, madaxweyne Perez ayaa ka gadoodsan madaxda Red Devils oo uu aaminsan yahay inay saxeexa Torres iyaga ka arkeen doonayaana inay ka dul-qaadaan.

Advertisements

 

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*