“Waa Budhcad Ay Tahay Inuu U Dhaqmo Sida Xayawaanka” – Matteo Guendouzi Oo DAB Kale Ku Istaagay

Matteo Guendouzi ayaa u muuqday inuu si fiican ula jaan-qaadayo Hertha Berlin oo uu amaah ugu tegay xagaagii markii uu ka baxay Arsenal.

Advertisements

Laacibkan khadka dhexe ee reer France ayaa tababare Mikel Arteta uu kaydka ku qabtay markii ay isku dhaceen xilli ay ku sugnaayeen magaalada Dubai oo ay kulamo saaxiibtinimo kusoo qaadanayeen.

Arteta ayaa lasoo wariyey in laacibkan uu hadal kulul dhex maray xilligaas ay joogeen magaalada Dubai, waxaana xaaladdooda sii xumaysay kaadh cas oo uu qaatay kulankii Brighton ee bilowgii xili ciyaareedka, markaas oo Arteta uu liiska kooxdiisa koowaad ka saarayMatteo Guendouzi.

Gunners ayaa go’aansatay inay ku bixiso amaah, waxaanay u direen kooxda reer Germany ee Hertha Berlin.

Matteo Guendouzi ayaa hadda ku istaagay dab kale, waxaana tababaraha Hertha uu xaqiijiyey in laacibkan aan looga dul-qaadan karaynin arrimaha qaarkood, isla markaana ay tahay inuu joojiyo budhcadnimada oo uu sida xayawaanka oo kale u shaqeeyo.

Lal Dardai oo la hadlayay wargeyska Bild ee kasoo baxa waddanka Germany ayaa yidhi: “Waa nooc ka mid ah qaan-gaadhn imada, waana fallaago oo kale. Waa inuu u shaqeeyo, waxna u barto sida xayawaanka oo kale.”

21 jirkan dabeecadda adag ayaa Hertha Berlin u saftay 17 ciyaarood oo 14 ka mid ah uu kusoo bilowday, halka  uu kaydka ku jiray ciyaartii RB Leipzig ee usbuucan horraantiisii.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*