Wa Kuwan SADDEXDA Kooxood Ee Kaliya Ee Ilaa Haatan Xaqiijistay Inay Usoo Baxeen Wareega 16-ka Ee UEFA Champions League.

Advertisements

Tartanka ugu xiisaha badan qaarada Yurub ee UEFA Champions League ayaa xalay iyo habeen hore la ciyaaray wareegiisa afraad ee heerka Group-yada iyadoo kooxo saddex ahi ay xaqiijisteen inay u gudbeen wareega 16-ka.

Aan ku bilawnee koox lumisay fursada ay wareegaas ugu gudbi kartay ayaa ah Manchester City oo bar-bardhac 1-1 lasoo gashay kooxda ree Talyaani ee Atlanta kulan uu goolhaye ahaan u ciyaaray daafaca midig ee Kyle Walker.

Saddexda kooxood ee wareega xigay gaadhay ayaa kala ah Paris Saint-Germain oo garaacday Club Brugge, Bayern Munich oo ka adkaatay Olympiakos iyo Juventus uu kasoo guuleysatay Lokomotiv Moscow.

Juventus oo ogayd in saddex dhibcood oo ay Ruushka kusoo heshaa ay ugu filnaan lahaayeen wareega xiga ayaa goolka koowaad ka heshay Aaron Ramsey akhro inta uusan kansalin goolkaas Aleksei Miranchuk balse Douglas Costa ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyay goolka guusha u dhaliyay Juve.

Advertisements

Dhinaca kale Bayern ayaa 2-0 ku dhaaftay kooxda ree Greece ee Olympiakos oo ay labada gool ka kala dhaliyeen Robert Lewandowski iyo Ivan Perisic.

Dhinaca kale Paris Saint-Germain oo dirqi kaga adkaatay Club Brugge ayaa goolka kaliya ee ay kulankaas saddexda dhibcood ku qaadatay ka heshay Mauro Icardo.

 

Comments are closed.