Isla Ilow Terry, Ferdinand Iyo Vidic – Vincent Kompany Oo Xiddig Liverpool Ah Ku Tilmaamay Daaficii Ugu Fiicnaa Abid Ee Premier League & Jamaahiirta City Oo Ka Xanaaqay

Advertisements

Taageerayaasha Manchester City ayaa aad u carooday markii halyeeygooda Vincent Kompany uu Virgil van Dijk u magacaabay daaficii ugu fiicnaa taariikhda Premier League.

Kompany ayaa 265 kulan u saftay Manchester City  isagoo la qaaday afar koob oo Premier League ah, labo Fa Cup iyo afar League Cup intii u shaxeysay 2008 iyo 2019.

Daafaca oo haatan tababare ka ah kooxda Anderlecht ee dalkiisa Belgium ayaa dhaawac ku seegaya kulanka caawa lagu maamuusayo ee ka dhacaya Etihad Stadium.

Laakiin ka hor kulanka caawa ayaa la weydiiyay halka uu ka soo galayo daafacyada dhexe ee ugu fiican waayaha Premier League, jawaabtiisa ayaana aheyd lama filaan.

“Marnaba isku dayo inaan dad isla barbardhigo” ayuu yiri Kompany.

“Safarkeyga waa uu ka duwan yahay kan dadka kale, waxaan soo maray marxalado kala duwan.

“Waxaan xiddiga ugu fiican ka dhigi lahaa Virgil van Dijk, ma uusan ciyaarin in la mid ah mudadii ay garoomada ku jireen Terry iyo Ferdinand, laakiin waxa calaamadaha uu soo bandhigay sannadihii ugu danbeeyay ayaa muujinaya inuu muddo dheer ugu sareyn lahaa haddii uu mudadaas garoomada ku jiri lahaa.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  Tartanka Da'yarka Mucjisada Ah Ee Haaland Oo Adkaaday & LABA Kooxood Oo Kula Soo Biiray Tartankiisa.

“Isku mid ma ahan Liverpool-shii ka horeysay Van Dijk iyo tan haatan ee uu ka mid yahay sidaasi darteed isaga ayaan siin lahaa”

Van Dijk ayaa ugu cadcad abaalmarinta Ballon d’Or ka dib wacdarihii uu u dhigay Liverpool xilli ciyaareedkii la soo dhaafay oo ay ku guuleysteen Champions League isagoo wax ka bedelay daafaca Reds.

Qaar ka mid ah taageerayaasha Manchester City ayaa caradooda ku muujiyay baraha bulshada madaama uu Kompany u magacaabay Van Dijk daaficii ugu fiicnaa abid.

Simon O’Brien ayaa soo qoray: “Waa kajanka lagu yaqaano reer Manchester”

Neil Dines ayaa yiri: “Waxaani waa kaftan, miyaysan aheyn? Daaacyada ugu fiican abid xitaa shanta ugu sareysa ma soo galayo.”

Advertisements

Sagar ayaa yiri: “Maya. Maya.. Ka laabo warkaan Vinny”

Razman ayaa isna soo qoray: “Ka laabo Vinny”

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  RASMI: Tababare Valverde Oo Ku Dhawaaqay Liiska Xiddigaha Kooxdiisa Barcelona Ee Kulanka Granada - Miyay Kusoo Wada Baxeen Messi, Suarez & Greizmann?

Comments are closed.