VAR Oo Qiratay Qaladkeeda, Fadeexadii Goolkii La Diiday & Seddex Waxyaabood Oo Laga Bartay Kulankii Liverpool & Everton Barbaraha Galeen

Advertisements

Liverpool ayaa laga beeniyay guul ka dib markii VAR ay xukmisay waqtigii dhimashada offside muran weyn uu ku jiro ka dib gool uu dhaliyay Jordan Henderson iyadoo labada kooxood ee Reds iyo Everton ay ku kala baxeen barbaro 2-2 ah.

VAR ayaa sidoo kale qalad weyn ku laheyd in goolhaye Jordan Pickford uusan casaan ku qaadanin qaladkii xumaa ee uu ku galay daafaca Virgil van Dijk qeybtii hore ee ciyaarta.

Hadaba waxaan eegeynaa seddex waxyaabood oo aan ka baranay kulankii maanta:

Advertisements

VAR Oo Qiratay Qaladkeeda Pickford

Goolhaye Pickford ayaa nasiib ku lahaa inaan casaan la siinin iyadoo Liverpool ay ka walwalsaneyd dhaawaca Van Dijk. Waxay aheyd inuu casaan toos ah qaato goolhayaha Everton iyadoo xiriirka garsoorayaasha Ingariiska ee PGMOL ay qirteen inaysan VAR ku hubinin inuu qaladka mudnaa casaan iyagoo kaliya ku mashquulsanaa inuu offside jiray iyo in kale.

Inkastoo sax ay aheyd inaan rigoore la dhigin madaama offside-ka uu horeeyay hadana qaladka waxay aheyd in casaan lagu bixiyo sida sharciga qabo, laakiin garsoorayaasha VAR ayaa go’aansaday inaysan dib u daawan qaladka balse ay ku mashquulaan kaliya go’aanka offside-ka.

VAR Oo Muran Kale Dhalisay

Dhamaadkii ciyaarta Liverpool ayaa u qaadatay inay heleen goolka guusha markii uu Jordan Henderson shabaqa ku hubsaday baas uu ka helay Sadio Mane. VAR ayaa dib u eegis ku sameysay goolka waxayna xukmiyeen inuu Mane offside ahaa markii uu baaska ka helayay Thiago Alcantara.

Laakiin muuqaalka xariiqda offside-ka ee ay soo saareen shaashada ma aheyn mid qanciyay taageerayaasha iyo weliba falanqeeyayaasha ciyaarta oo ku tilmaamay go;aan qariib ah. Xiriirka garsoorayaasha PGMOL ayaa la filayaa inay sharaxaad dheeri ah ka bixiyaan sababta loo diiday goolka iyo sida uu Mane offside ku noqday.

Dhibaatada Daafac Ee Liverpool Oo Weli Taagan

Shaki kuma jiro inay Liverpool ay ciyaarteeda wax weyn ka bedeshay ka dib xasuuqii ka soo gaaray Aston Villa ka hor kulamadii heerka caalami laakiin kooxda Jurgen Klopp weli waxay qabaan dhibaato daafac oo aysan xal u helin.

Kooxda Jurgen Klopp waxaa laga dhaliyay 13 gool xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League iyadoo kaliya la ciyaaray shan kulan. Madaama uu goolhaye Alisson uu maqan yahay islamarkaana Van Dijk uu xilli hore ka baxay ciyaarta, daafaca Liverpool ayaa ahaa mid qalqal badan intii ay ciyaarta socotay oo dhan.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

4 Fekradood

  1. Kkkkkkk waxaaan jecelahay ninka liverpool taageera ee page kan wax ku qora waaayo wuu calaacalaaa marka naadiyada kale laga badiyo ama barbaro galaaan waxa aad soo qortaan naadi hepel oo barbaro dirqi ah heshay iyo naadi hepel oo weli wadadii guusha aan helin halka liverpool kulan laga badiyey kulanna barbaro gashey markaa buu leeyahay khalad baa dhacey😄😄😄😄😄

  2. yaab laba bariday kala war la?
    way iska cadahay in VAR lahubinin liverpool
    gol saxa oo offside ahayn lodiday wx qariba mha
    marka qarna way iska dhacan lakin van dijk qaladki
    lagu galay wuxu aha in kar csan pickford ulaha
    balse anigo ah tagero liverpool ah qabki ciyar wnaga
    ay soban dhigeen anku farax sana nasib daro VAR aya
    iga bad badisay gushi liverpool kkkkkkkk

  3. Ciyarta si wngzn ayey kupilowatey although ani jeclan lahaa in sevenpool guuldaro la kulanto ma aysan dhicin.
    Goalka captain Henderson ooo la diidey si baan ugu faraxsnhy ani ahaan. Var kuwa ka shaqeynayeyna qaladkoda wey qirten iyagaa u tashaaa

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*