VAR Oo Ku Fadeexowday Kulankii Arsenal & Jamaahiirta Gunners Oo Ka Careysan Wixii Dhacay Maanta

Muuqaal caawiyaha garsooraha VAR waxaa loo sameeyay in ciyaarta kubada cagta ay noqotay mid cadaalad ah oo go’aanada garsooraha ay noqdaan kuwa sax ah oo aan ku gardaroonin kooxna.

Advertisements

Laakiin VAR ayaa u muuqata inay sameyneyso qaladaad ka badan intii ay sameyn jireen markii go’aanka uu ku jiray kaliya gacanta garsooraha dhexe.

Kulankii maanta ee ay Arsenal barbaraha 1-1 la gashay Burnley, Gunners waxaa laga diiday rigoore cad, ma ahan midii Pieters casaanka lagu siiyay ka dibna ay VAR ka noqotay taasi waxay aheyd go’aan sax ah madaama ay kubada garabkiisa ku dhacday.

Laakiin VAR waxay diiday rigoore sax ah daqiiqadii 74aad ee ciyaarta, markii uu isla Pieters gacanta ku celiyay kubad uu ka soo baxday lugta Pepe. Haddii la raacayo sharcigii ay dejiyeen boodhka xiriirka caalamiga ah ee kubada cagta IFAB waxay kubadaas aheyd rigoore sax ah.

Advertisements

Laakiin VAR uma aysan ogolaanin xitaa garsooraha inuu dhacdadaan ka eego shaashada dhinac taala garoonka. Pieters ayaa is balaariyay markii uu Pepe damcayay inuu kubada darbeeyo taasoo ka dhigeysa in Pieters uu gacantiisa la doontay kubada islamarkaana ay aheyd rigoore sax ah.

Taageerayaasha Arsenal ayaa caradooda ku soo bandhigay Twitter iyadoo Ykee Benda uu soo qoray: “Garsoorayaasha wadankaan waa kuwa isku dhex yaacsan. Premier League waxaad dileysaan ciyaarteena.

Abryans Taio ayaa iska soo qoray: “Ma aysan dooneynin VAR inay hubiyaan rigooradii cadeyd laakiin waxay hubiyeen dhacdadii labaad ee rigoore taasoo aan aheyn rigoore cad. Waxaan jire ajende looga soo horjeedo Arsenal. Ma aheyn maalinteena.”

Advertisements

 

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*