Intee La Eg Tahay Rajada Virgil van Dijk Ee Abaalmarinta Ballon d’Or Ka Dib Markii Uu Messi Qaaday Abaalmarinta The Best Ee FIFA?

Advertisements

Dad badan ayay lama filaan ku aheyd in Lionel Messi uu ku guuleystay abaalmarinta xiddiga sannadka adduunka xafladii ka dhacday magaalada Milan habeenkii Isniinta.

Cidna shaki ma gelin karto tayada iyo mucjisada kubadeed ee xiddiga Argentina laakiin dadka intooda badan ayaa saadaalinayay in daafaca Liverpool Virgil van Dijk uu ugu cadcad yahay ku guuleysiga abaalmarinta ka dib markii uu ku soo guuleystay abaalmarintii xiddiga sannadka Yurub ee UEFA.

Xiddiga ay Van Dijk isku kooxda yihiin Alisson Becker ayaa ku guuleystay goolhayaha sannadka halka tababarihii uu hantay abaalmarinta tababaraha sannadka, laakiin xiddiga reer Holland waxa uu qeyb ka noqday shaxda kooxda sannadka iyadoo Messi uu ku guuleystay abaalmarinta weyn.

Messi ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa shaxda kooxda sannadka isagoo weerarka kula soo baxay xiddiga ay mudada dheer xafiiltamayeen ee Cristiano Ronaldo iyo xiddiga Paris Saint-Germain Kylian Mbappe.

Abaalmarinta xiddiga sannadka waa tii ugu horeysay ee uu Messi ku guuleysto tan iyo markii ay FIFA kala baxeen Ballon d’Or sannadii 2016, iyadoo Ronaldo uu abaalmarinta FIFA ku guuleystay labadii sannadood ee ugu horeysay halka Luka Modric uu ku guuleystay sannadkii 2018.

Si kastaba, Messi ayaa abaalmarintaan la qaaday shan jeer abaalmarinta Ballon d’;Or oo uu sidoo kale u tartamaya dhamaadka sannadkan.

Van Dijk ayaa isna ka mid ah xiddigaha ugu cadcad abaalmarinta Ballon d’Or ee la bixinayo bisha December, laakiin xiddiga Liverpool ayaan jecleysan doonin nasiib xumada la socota inuu seegay abaalmarinta FIFA.

Advertisements

Sababtoo ah seddexdii sannadood ee ay FIFA kala baxeen Ballon d;Or xiddiga ku guuleysta abaalmarintaan ayaa sidoo kale ku guuleysanayay Ballon d’Or, Ronaldo ayaa labada abaalmarin isku qaaday 2016 iyo 2017 halka Modric uu isku qaaday 2018.

Miyuu Van Dijk jabin doonaa xiriirkaas? mise mar kale ayuu abaalmarinta u waayi doonaa Messi marka la gaaro bisha December?