Unai Emery Oo Sharaxay Sababta Uu Nicolas Pepe Rigoorada U Tuuray Iyadoo Uu Aubameyang Joogo

Advertisements

Unai Emery ayaa xaqiijiyay in go’aanka Pierre-Emerick Aubameyang ay aheyd in Nicolas Pepe uu tuuro rigooradii ay Arsenal heshay kulankii ay ka badiyeen Aston Villa.

Iyadoo kooxdiisa ay 1-0 lagu hogaaminayay kulankii Emirates, saxiixa ku fadhiya 72 milyan ginni Pepe ayaa u istaagay rigoore isagoo dhaliyay goolkiisii ugu horeysay ee xilli ciyaareedka.

Aubameyang waa xiddiga ku qoran rigoore tuurista Arsenal laakiin waxa uu kubada u dhiibay xiddiga reer Ivory Coast kaasoo aan weli shabaqa u soo taabanin kooxdiisa cusub.

Waxa ay aheyd go’aan lagu faa’iday madaama uu dhaliyay laakiin Villa ayaa mar kale hogaanka qabatay iyadoo Arsenal ay ugu danbeyn 3-2 ku badisay ka dib laad xor ah uu dhaliyay Aubameyang.

Isagoo ka hadlayay rigoorada tababare Unai Emery ayaa sharaxaad ku bixiyay: “Maanta go’aan weyn ayuu qaatay Aubameyang madaama uu u golaaday Pepe inuu rigoorada tuuro”

Arsenal ayaa ku bilaabatay ciyaartii maanta si xun laakiin ugu danbeyn waxay sameeyeen soo laabasho cajiib ah iyagoo 10 xiddig ku ciyaaraya iyagoo qaatay seddexda dhibcood.

Advertisements

Guushaan waxa ay ka dhigeysaa in Arsenal ay ku soo laabatay kaalinta afaraad ee miiska kala sareynta iyadoo Emery uu amaan weyn la dhacay ciyaartoydiisa iyo qaabka ay u dheeleen ka dib casaankii uu qaatay Maitland-Niles.

“Dabeecadii ay soo bandhigeen waxay aheyd mid cajiib ah. In lagu ciyaaro iyadoo ciyaaryahan uu kaa maqan yahay ma ahan wax sahlan, waxaan yara dhuminay koontaroolka laakiin waxaan soo bandhignay inaan riski qaadan karno” ayuu yiri tababare Emery.

Comments are closed.