UGU DAMBAYN: Wakhtiga Ugu Dambayn Shaqada Barcelona Laga Caydhin Doono Ernesto Valverde & Kulamada Loo Qabtay Oo La Ogaaday.

Advertisements

Kooxda difaacanaysa horyaalka La Liga ee Barcelonaayaa dhexda kaga jirta dhibaatadii ugu waynayd mudo sanado ah iyadoo qaab aad u gaabis ah ku bilaabatay kulamada horyaalka xilli ciyaareedkan.

Culayska iyo cadaadiska ugu daran ayaa saaran tababaraha kooxdaas ee Ernesto Valverde, Tababarihii hore ee Bilbao oo hore loogu eedaynayay guuldarrooyin Champions League ah ayaa haatan ku darsaday dhib kale oo La Liga ah.

Inta badan jamaahiirta kooxdaas iyo qaar kamid ah xiddigaha kooxda ayaan ku qanacsanayn qaabka uu Ernesto wax u kala wado waxaana ay codsanayaan in ay tahay wakhtigii shaqada laga diri lahaa.

Haddaba, Iyadoo ay arrini halkaas marayso ayuu wargeyska fadhigiisu yahay Spain ee AS sheegayaa in Valverde kama dambays ahaan shuruud looga dhigay inuu natiijooyin wanaagsan ka helo labada kulan eekusoo socda.

Taas ayaa la micno ah in Valverde uu gabi ahaanba shaqadiisa kooxda waayi doono haddii uu wax wanaagsan kala soo laaban waayo kulamada uu dhawaan la ciyaarayo kooxaha kala ah Vilarreal iyo Getafe.

“Waxaynu u ciyaarnay si aad uga xun sidii kulankii Anfield” ayaa laga maqlay iyadoo uu leeyahay mid kamida xiddigaha waaweyn ee kooxdaasi markii lagu jiray qolka labiska kaddib kulankii ay guuldarrada kala kulmeen Granada.

Advertisements

“Intaa wax ka badan inama ixtiraamayaan” iyo “Waxaynu noqonay koox ciyaarta ruux la’aan” ayaa sidoo kale laga maqlayay qolka labiska ee Blaugrana.

Sidoo kale waxa xaalada xun ee kooxda caddayn ugu filan hadalkii uu kulanka kaddib Ernesto sheegay ee ahaa Dhibaatadu maaha guuldarrada balse dhibaatadu waa inaynu u qalanay inaynu guuldarraysano”.

Comments are closed.