UGU DAMBAYN: Luis Suarez Oo Ugu Dambayn Shaaciyay Erayadii Uu Ka Xanaaqay Ee Maamulka Barcelona Ku Yidhi Markii Ay Dirayeen

Weeraryahanka kooxda Atletico Madrid ee Luis Suarez ayaa shaaca ka qaaday sida uu uga cadhooday wakhtigii ay Barcelona isaga diraysay xagaagii 2020 iyo waliba erayadii isaga sida gaarka ah usii cadho galiyay.

Advertisements

Tababaraha Dutch-ka ah ee Ronald Koeman ayaa shaqada tababarenimo ee Barca ka bedelay Quique Setien waxaana uu si cad u sheegay in Luisito uusan qayb ka ahayn qorshayaashiisa mustaqbal ee kooxda.

Atletico Madrid: Luis Suarez: I want to make history at Atletico Madrid | MARCA in English

Luis Suarez ayaa hadda ah gool dhaliyaha ugu sarreeya horyaalka La Liga waxaana uu sidoo kale Rojiblancos ka caawiyay inay hoggaanka u qabtaan horyaalka.

Suarez ayaa sheegay in hadalada xanuunka ku noqday markii loo sheegayay inuu Camp Nou faarujiyo ay ahaayeen in lagu yidhi ‘aad ayaad uga da’ weyn tahay inaad ka ciyaarto heerka ugu sarreeya kubadda cagta’

Advertisements

34 sano jirka kasoo jeeda dalka Uruguay oo u warramay France Football ayaa yidhi “Waxa dhab ahaan i dhibay waxa uu ahaa markii ay ii sheegeen inaan da’ ahaan weynahay oo aanan intaas wax ka badan ka ciyaari karin heerka ugu sarreeya, oo aanan shaqada afka hore u qaban karin koox cajiib ah, taas ayay ahayd waxa aanan jeclaysan”

“Haddii aanan waxba ka qaban koox Barca oo kale ah saddex ama afar sano waan fahmi lahaa hadalkaas, wax ka badan 20 gool ayaan dhalinayay xilli ciyaareedkiiba,markasta waxaan lahaa xog gool dhalineed oo fiican, kaliya waxaan ka dambeeyay Leo (Messi)”

“Maanta waxa aynu arki karnaa inaysan wax sahlan ahayn in Barca laga ciyaaro, ciyaaryahano badan oo halkaas u saxeexay may yeelan heerkii laga ciyaarayay, anigu lix sano ayaan ka ciyaarayay Barca aniga oo heer isku mid ah joogteeyay aniga oo samaynayay wixii layga filayay”

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*