“Twitter Ayaa U Sabab U Ah Dhaawaceyga” – Halyeeyga Premier League Asprilla Oo Shaaciyay Sabab Qariib Ah Oo Cusbitaalka Loo Dhigay

Advertisements

Ciyaaryahankii hore ee Newcastle Tino Asprilla ayaa dejiyay taageerayaasha ka dib markii lagu sawiray isagoo cusbitaal jiifa oo gacanta qaliin looga sameeyay, waxaana uu sheegay in gacantiisa ay dhibaato soo gaartay madaama wax ku qoristiisa Twitter ay badatay.

Sawirka looga qaaday cusbitaalka ayaa muujinaya isagoo jiifa sariir islamarkaana gacanta ay ka duuban tahay.

Xiddigii hore ee Colombia ayaa sawirka soo raaciyay qoraal ah: “Xafladeyn ma jirto, waxaan ku jiraa soo kabsasho ka dib qaliin la iiga sameeyay gacanta.

“Waxaan rajeynayaa inaan diyaar u noqdo ciyaarta yar ee ka dhacyesa San Andres ee ay ka qeyb galayaan @nicolasgob, @aristigol09, @JJTrellezV iyo cidii kale oo imaaneysa.”

“Gacanteyda dhibaato ayaa soo gaartay ka dib wax badan oo aan Twitter ku soo qoray”

Qoraalka badan ee uu Twitter soo dhigay ayaa la xiriirta murankii uu dhaliyay ka dib markii uu Twitter ku soo qoray inuu yahay “Uribista”

Advertisements

Uribista waxaa lagu magacaabaa taageerayaasha madaxweynaha 31aad ee Colombia Alvaro Uribe kaasoo haatan uu ku socdo baaritaan la xiriira laaluush iyo musuq maasuq.

Asprilla ayaa lagu xusuustaa seddexleydii uu ka dhaliay Barcelona kulankii ay badisay Newcastle sannadkii 1997 ee Champions League.

Comments are closed.