Turkey Oo Xasuuq Kale Geystay, Holland Oo Guushii 1aad Gaashay Iyo Natiijooyinka Kulamada Isreeb-reebka Koobka Adduunka

Xulka qaranka Netherlands ayaa gaadhay guushiisii ugu horreysay ee isreeb-reebka Koobka Adduunka 2022, waxaanay meel iska saareen Latvia oo ay ku wada jiraan hormada G.

Advertisements

Netherlands oo ciyaartii hore guul-darro xanuun badan kala soo laabatay waddanka Turkey oo ay marti ku ahaayeen, laguna soo garaacay 4-2 ayaa kusoo laabtay jidka guusha iyagoo saddex dhibcood ku helay guul ay ka soo hooyeen Latvia oo ay qaabbileen.

Tababare Frank de Boer ayaa kusoo galay saf adag ciyaartan oo ka dhacday garoonka John Cruyff Arena ee magaalada Amsterdam, waxaanay 2-0 ku jiidheen Latvia iyadoo goolashana ay labadii qaybood ee ciyaarta u kala dhaliyeen xiddigaha Steven Berghuis iyo Luuk de Jong.

Dhinaca kale, xulka qaranka Turkey oo isaguna ku jira Group G ayaa ciyaartii labaad oo xidhiidh ah xasuuq geystay, waxaana ciyaar bilaabatay fiidkii hore ay 3-0 ku burburiyeen Norway oo ay marti u ahaayeen.

Advertisements

Turkey ayaa daqiiqaddii afraad isku hubsaday guusha ciyaarta markaas oo uu goolka koowaad u dhaliyey Ozan Tufan ka hor intii aanu difaaca Leicester City ee Caglar Soyuncu aanu daqiiqaddii 28aad goolka labaad ku suuxinin Norway oo diciifnimo badan ka muuqatay.

Ozan Tufan ayaa mar kale kusoo laabtay dhalinta goolasha, waxaana uu qaybta labaad xaqiijiyey goolkiisa labaad ee ciyaarta, iyadoo waddankiisuna sidaas ku helay guushii labaad oo weyn.

Waddanka Turkey oo lix dhibcood haysta ayaa hoggaanka u qabtay Group G, waxaanay isku mid yihiin Montenegro oo 4-1 ku burburiyey Gibraltar.

Netherlands iyo Norway ayaa iyaguna min saddex dhibcood haysta, halka Gibraltar iyo Latvia ay faro madhan joogaan labadii ciyaarood ee ay dheeleen.

Xulka qaranka Croatia ayaa iyaguna guul dirqi ah ka gaadhay Cyprus oo marti u ahayd, waxaanay saddexda dhibcood kaga qaateen hal gool oo uu qaybtii hore u dhaliyey Mario Pasalic.

Ruushka ayaa group-kan oo ah H ku hoggaaminaya lix dhibcood iyagoo guushoodii labaad oo xidhiidh ahna maanta ka gaadhay Slovenia.

Slovenia iyo Croatia ayaa kaalinta labaad ku kala jira inkasta oo ay goolasha ku kala horreeyaan, waxaanay haystaan min saddex dhibcood, halka Slovakia iyo Cyprus ay min hal dhibic leeyihiin iyo Malta oo aan wax dhibic ah haysanin.

Natiijooyinka kulamadii soo dhamaaday ee isreeb-reebka Koobka Adduunka ee qaaradda Yurub:

Norway 0-3 Turkey

Netherlands 2-0 Latvia

Montenegro 4-1 Gibraltar

Croatia 1-0 Cyprus

Russia 2-0 Slovenia

Belarus 4-2 Estonia

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*