Tottenham Oo Xiddig Cajiib Ah Siinaysa Real Madrid, Caqabada Barcelona Ka Haysata Depay & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa

Advertisements

Asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu. Idilkiinba salaan dhamaan akhristayaasha sharaftalahow kuna soo dhawaada barnaamijkeenii sida maalin laha ahaa aanu idiinku soo gudbin jirnay waxyaabaha ay wargaysyada yurub ka qoreen suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Suuqa kala iibsiga ciyaartoyda xagaaga ayaa si rasmi ah u furan waxayna koox kastaaba haysataa fursada ay ku samayn karto saxiixyo cusub oo ay xili ciyaareedka cusub kooxdeeda ugu soo xoojin karto.

Kooxaha qaar ayaa haddaba bilaabay in ay saxiixyo muhiim ah sameeyaan halka kuwo kale ay waqti badan ku qaadanayso in ay helaan bartilmaameedyo ku haboon kooxahooda.

Advertisements
Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaysa wararkii ugu danbeeyay ee suuqa kala iibsiga ciyaartoyda maanta oo Arbaca ah:

Tottenham Hotspur ayaa khadkdeeda dhexe ee ree England ee Delle Ali u adeegsan karta heshiis ay qaab amaah ah ugu dirayso Real Madrid si ay uga helaan Gareth Bale. (Mail)

Everton ayaa dhagaysan karta dalabaadka laga soo gudbinayo qaar kamida xiddigaha kooxdeeda oo ay kamid yihiin Theo Walcott, Alex Iwobi iyo Moise Kean. (Mirror)

Heshiiska uu weeraryahanka ree Gabon ee Aubameyang u saxeexay Arsenal ayaa saddexda sano isku noqonaya guud ahaan mid uu 55 Milyan oo Pound ku qaadanayo marka lagu daro lacagaha gunada ah. (Times – subscription required)

Gunners ayaa wali qorshaynaya inay magacyo cusub kusoo daraan safkooda iyadoo ay bar-tilmaameedyadooda ka mid yihiin Houssem Aouar oo Lyon ka tirsan iyo Thomas Partey oo Atletico Madrid ah. (Mirror)

Bayern Munich ayaa diyaar u ah inay dib usoo celiso xiisaheedii da’yarka Chelsea ee Callum Hudson-Odoi iyagoo ku rajo weyn in Blues ay dhagaysan doonaan dalabaadka xiddiga akademigooda kasoo baxay. (Mail)

Barcelona ayaa sheegtay inay u baahantahay inay iibiso xiddigaha kooxdeeda qaar kamida si ay u dhammaystirto saxeexa weeraryahanka Lyon ee Memphis Depay (Fox Sports Netherlands)

Barcelona ayaa isku dayi doonta saxeexa daafaca dhexe ee Manchester City ee Eric Garcia gudaha suuqan haddii ay iibiyaan daafacyada ree France ee Samuel Umtiti iyo Todibo. (Mail)

Juventus ayay sii kordhaysaa niyad xumada ay ka qabto saxeexa weeraryahanka Barcelona ee Luis Suarez oo uu dib usii dhacayo wakhtiga uu helayo dal-ku-galka Talyaaniga. (Goal)

Chelsea ayaa kusii dhawaanaysa saxeexa goolhayaha kooxda Renees ee Edouar Mendy. (Star)

Inter Milan ayaa wali doonaysa saxeexa daafaca bidix ee Chelsea ee Emerson balse sidoo kale West Ham United ayaa qaab amaah ah ku rabta. (Independent)

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*