TOP 5: Petr Cech, Maldini Iyo Shan Xiddig Oo Markii Ay Kubada Cagta Ka Fariisteen Isku Dayay Isboorti Kale + Sawirro

Advertisements

Ka dib markii uu ka fariistay ciyaaraha dhamaadkii xilli ciyaareedkii la soo dhaafay, Petr Cech ayaa u saxiixay kooxda ciyaarta Ice-Hocker ee Guilford Phoenix.

Kooxda Ingariiska ayaa warkaan shaacisay xalay oo Arbaco aheyd iyadoo Petr Cech uu sii ahaan doono agaasimaha farsamada ee kooxda Chelsea.

Laakiin Petr Cech ma ahan ciyaaryahankii ugu horeeyay ee kubada cagta ee isku daya isboorti kale.

Waxaan eegi doonaa shan xiddig oo waa weyn oo markii ay ka fariisteen kubada cagta isku dayay isboorti kale.

Paolo Maldini | Tennis

Mid ka mid ah daafacyadii ugu waa weynaa kubada cagta. Laakiin ma uusan noqonin mid ka mid ah xiddigaha Tennis-ka ee ugu fiican.

Maldini ayaa si rasmi ah uga qeyb galay tartan Tennis oo caalami ah laakiin waayihiisa ciyaartaan waxa ay waartay kaliya 42 daqiiqo.

Daafaca Talyaaniga ayaa ka soo muuqday koobka Aspria Tennis Cup ee lagu qabtay Milan isagoo ka garab ciyaarayay Stefano Landonio.

Laakiin waxaa lagu garaacay 6-1, 6-1 iyadoo ay ka badiyeen xiddigaha Tennis-ka Tomasz Bednarek David Pel.

Tan iyo wixii ka danbeeyay markaas Maldini laguma arkin garoon Tennis.

TENNIS-ITA-ATP

Rio Ferdinand | Feer

Daaficii hore ee England ayaa isku dayay inuu noqdo feeryahan sannadkii 2015.

Waxa uu doonayay inuu suun ku guuleysto laakiin waxaa leysan u diiday gudiga koontaroolka feerka Britian.

“Waxaan ka xumahay inaan ka fariisanayo ciyaarta feerka” ayuu Ferdinand iclaamiyay isagoo aan xitaa hal ciyaar feertamin.

p1dmqkc70m149p7ui1ia91mpq9n1f.jpg

Michael Owen | Tartanka Fardaha

Owen ayaa mar walba xiiseynayay tartanka fardaha waxaana uu noqday fardo fuul isagoo hal mar tartan ka qeyb galay.

Tartan tabrucaad ahaa ayuu ka qeyb galay bishii November 2017, waxaana uu Owen ku dhameystay kaalinta labaad.

p1dmqkgrcb68f19ou1dsc18ib1epfh.jpg

Jerzy Dudek | Tartanka Mootada

Goolhayihii Liverpool u qaaday Champions League sannadii 2015 ayaa isku dayay tartanka Motorsport markii uu ciyaaraha ka fariistay waxaana uu ka qeyb galay tartankii mootada ee Volkswager Castrol Cup ee la qabtay sannadkii 2014.

p1dmqkn344emg1351k5q17st1lfjj.jpg

Petr Cech | Ice hockey

Kaliya bilo ka dib markii uu ciyaarta ka fariistay Cech ayaa haatan isku dayaya inuu noqdo xiddiga ciyaarta Ice-Hockey.

Advertisements

Cech ayaa mar walba taageere u ahaa ciyaartaan, waxaana uu haatan u ciyaarayaa kooxda heerka labaad ee ciyaarta Ice-Hockey ee Britian.

“Waxaan nasiib wanaag ah in shaqadeyda Chelsea aysan iga celineynin in waqtigeyga firaaqada aan ciyaaro isboortiga aan jeclaa tan iyo caruurnimadeyda oo aan ciyaaray muddo sannado ah” ayuu yiri. “Markii aan ahaa xirfadle kubada cagta ah ma aanan ciyaarin karin laakiin haatan waan awoodaa.”

Comments are closed.