TOP 10: Tobbanka Xiddig Ee Saddexleyda Ugu Badan Soo Dhaliyay Qarnigan 21-aad & Midka Sarreeya Ronaldo Iyo Messi

Xiddigaha kala ah Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ayaa wali sii wada inay ka taliyaan masraxyada ugu sarreeya kubadda cagta caalamka iyaga oo hubaal soo ahaa kuwa ugu fiican qarnigan 21-aad isla markaana kaalin fiican ka jooga doodaha xiddigaha ugu fiican dunida.

Advertisements

Ronaldo iyo Messi ayaa ku dagaalama ilaa maanta rekoodho iyo abaalmarino kala duwan walow ay sanadahan ugu dambeeyay noqdeen kuwo lala qaybsaday meelo badan sida abaalmarinaha Ballon d’Or, FIFA The Best iyo xiddiga sanadka ee qaarada Yurub.

Waxaanu halkan idinkula wadaagaynaa magacyada tobbanka xiddig ee qarnigan 21-aad kasoo dhaliyay saddexleyada ugu badan qaarada Yurub.

Booska koowaad ayuu Cristiano Ronaldo ku garaacay dhigiida Messi, CR7 oo toddobaadkii hore saddexley ku kala dhantaalay Cagliari ayaa 57 saddexley soo dhaliyay qarnigan 21-ka sano laga marayo waxaana uu saddex saddexley dheer yahay Messi oo ugu soo dhaw.

Advertisements

Kaalinta saddexaad ayuu soo galay Luis Suarez oo isaguna ka sarreeya Robert Lewandowski, El Pistolero ayaa soo diiwaan gashaday 29 saddexley waxaana uu shan saddexley dheer yahay Lewy oo booska afraad jooga.

Booska shanaad ayay dhammaystirayaan halyeeyga kubadda cagta Germany ee Mario Gomez, dhaliyihii Dutch-ka ahaa ee Klaas-Jan Huntelaar iyo mashiinka goolasha Manchester City ee Sergio Aguero oo min 18 saddexley leh.

Arrinta layaabka leh ayaa ah in Zlatan Ibrahimovic oo isagu qarnigan oo dhan heerka ugu sarreeya ee kubadda cagta ka ciyaarayay uu booska 8-aad ku joogo 17 saddexley, Harry Kane iyo Edinson Cavani oo min 15 saddexley leh ayaa 10-ka buuxinaya.

Advertisements

Image

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*