TOP 10: Tobbanka Tababare Ee Ugu Mushaharka Badan Premier League, Midka 1-aad Xorraystay & Booska Macalinka Kooxdaada

Advertisements

Marka laga eego dhinaca tirada tababarayaasha heerka sarre ah ee jooga kooxaha Premier League, waxa uu aad uga horreeyaa horyaalada kale ee waaweyn ee qaarada Yurub.

Pep Guardiola, Jurgen Klopp, Jose Mourinho, Carlo Ancelotti iyo Marcelo Bielsa ayaa kamid ah tababarayaasha kubadda cagta kuwooda inta ugu badan la qadariyo.

Klopp, Mourinho and Guardiola on young players: The difference - Football365

Kaddib waxa kuusoo raaca Frank Lampard, Mikel Arteta iyo Ole Gunnar Solskjaer kuwaas oo ah tababarayaal da’yar oo ciyaar xiise badan leh isla markaana saamayn wanaagsan kusoo yeeshay kooxahooda sanadkii ama labadii sano ee u dambeeyay.

Advertisements

Laakiin, marka laga yimaado tayadooda macalinimo su’aasha ayaa ah waa kuwee tobbanka tababare ee ugu mushaharka badan 20-ka macalin ee wakhtigan hoggaanka u ah kooxaha PL?

Wargeyska The Sun oo su’aashaas ka jawaabaya ayaa soo xulay tobbankaas tababare iyo waliba lacagta uu sanadkii qaato midkastaaba.

Macalinka Manchester City ee Pep Guardiola ayaa ah midka hoggaanka u haya isagoo 20 Milyan oo Pound sanadkii jeebka kaga shubta Sky Blues isla markaana min shan Milyan ka sarreeya Jose Mourinho iyo Jurgen Klopp oo kusoo xiga.

Macalinka Man United ee Ole Gunnar ayaa ka sarreeya dhigiisa Chelsea ee Frank Lampard halka guud ahaan tobbankan tababare ee ugu hooseeyo hoggaamiyaha Arsenal ee Mikel Arteta.

Akhriso Liiska Oo Dhan

10. Mikel Arteta | Arsenal

Annual wage: £5 million

9. Frank Lampard | Chelsea

Annual wage: £5.5 million

8. Ralph Hasenhuttl | Southampton

Annual wage: £6 million

7. Ole Gunnar Solskjaer | Manchester United

Annual wage: £7.5 million

6. Marcelo Bielsa | Leeds United

Annual wage: £8 million

5. Brendan Rodgers | Leicester City

Annual wage: £10 million

4. Carlo Ancelotti | Everton

Annual wage: £11.5 million

3. Jurgen Klopp | Liverpool

Annual wage: £15 million

2. Jose Mourinho | Tottenham

Annual wage: £15 million

1. Pep Guardiola | Manchester City

Annual wage: £20 million

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*