Toni Kroos Oo La Weydiiyey Haddii David Alaba Uu Kusoo Jeedo Real Madrid & Waxa Uu Kusoo Kordhin Karayo

Advertisements

Real Madrid ayaa kaalinta koowaad kaga jirta kooxaha lala xidhiidhinayo inay la saxeexan doonaan David Alaba oo dhamaadka xili ciyaareedkan si bilaash ah uga tegaya Bayern Munich oo uu iska diiday inuu heshiiska u kordhiyo.

Kooxda reer Spain ayaa hore loo sheegay inay heshiis hordhac ah lasii gaadhay David Alaba inkasta oo uu dhowaan ka gaabsaday inuu shaaciyo in kooxda uu tegayo.

Toni Kroos oo ay Alaba usoo wada ciyaareen Bayern Munich ayaa wax laga weydiiyey haddii ay mar kale laacibkan ku midoobi doonaan Santiago Bernabeu kaddib toddoba sannadood oo ay kala maqnaayeen.

Kubbad-sameeyaha reer Germany ee Kroos ayaa sannadkii 2014kii waxa uu yimid Real Madrid oo uu guulo badan oo Champions League ah la gaadhay, laakiin Alaba ayaa isaguna Bayern Munich illaa waqtigaas ka mid ahaa safkeeda koowaad iyadoo uu marka horena kasoo baxay kooxda da’yarta ee Bavaria.

Xilli ay soo baxayaan wararka ku saabsan halka uu Alaba ka degi doono xagaaga, Toni Kroos ayaa wax laga weydiiyey haddii uu laacibka reer Austria imanayo Madrid iyo waxa uu kusoo kordhin karayo, waxaanu yidhi: “Haddii uu Bayern Munich uu ka yahay ciyaartoy ugu soo bilowda, waxa hubaal ah inuu la iman doono tayada lagama maarmaanka ah ee uu sidoo kale ugu ciyaarayo Real Madrid.

“Dhibaatadu waxay tahay in aanaan wada ciyaarin muddo toddoba sannadood ah. Wayna igu adag tahay inaan ogaado waxa uu ku fikirayo (halka uu doonayo inuu tago).”

Real Madrid ayaa Alaba u doonaysa inay ku xoojiso safkeeda difaaca ee ay rukumada ka yihiin Sergio Ramos iyo Raphael Varane.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*