Todobada Xiddig Ee Ay Liverpool Iska Iibineyso Xagaagan & Xiddigo Waa Weyn Oo Ku Jira

Liverpool ayaa lagu waramayaa inay iska iibin doonto todoba ciyaaryahan xagaagan iyadoo Jurgen Klopp uu dib u habeyn ku sameynayo kooxdiisa.

Advertisements

Isagoo ka soo saaray qaab ciyaareedkii ugu fiicnaa ciyaartoyda uu heysto labadii xilli ciyaareed ee ugu danbeysay, kooxda Klopp hoos u dhacay.

Liverpool ayaa laga badiyay lixdii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League ee ay ku ciyaareen Anfield iyagoo ka dhacay kaalinta 7aad ee miiska kala sareynta.

Waxaa kooxda lala xiriirinayaa Ibrahima Konate, Kalidou Koulibaly iyo Donyell Malen taasoo Reds ku qasbeysa inay boos u baneeyaan xiddigaha cusub.

Advertisements

Wargeyska Daily Mirror ayaa sheegaya in ilaa iyo todoba ciyaaryahan kooxda laga fasaxi doono.

Georginio Wijnaldum ayaa noqon doonta xiddiga ugu weyn ee ka taga kooxda iyadoo qandaraaska xiddiga Netherlands uu dhacayo xagaagan.

30 jirkaan ayaa si xoogan loola xiriirinayaa Barcelona inkastoo kooxda La Liga ka dhisan lagu waramayo inay muhiimad siineyso inay qandaraas cusub ka saxiixdo da’ yarka u soo baxay Ilaix Moriba.

Curtis Jones ayaa laga wareegi kara booska khadka dhexe ee Wijnaldum uu baneynayo.

Xiddigaha kale ee magaca weyn leh ee ka tagaya Anfield waxaa ka mid ah geesigii Champions League u qaaday Divock Origi iyo xiddiga Switzerland Xherdan Shaqiri.

Reds ayaan sidoo kale qandaraaska u kordhin doonin goolhayaha waayo araga ah Adrian kaasoo ciyaaray 11 kulan xilli ciyaareedkii hore, balse haatan dhanka doorashada ka hoos maray Caoimhin Kelleher.

Seddex ka mid ah xiddigaha akadeemiga oo la iska ilaaway ayay kooxda sidoo kale si joogta ah u iibin doontaa.

Harry Wilson oo 24 sanno jir ah haatan amaah ku jooga Cardiff ayaa la iibin doonaa ka dib markii uu sidoo kale amaah ugu soo ciyaaray Bournemouth iyo Derby.

Ben Woodburn oo noqday gooldhaliyihii ugu da’da yaraa ee Liverpool sannadkii 2016 ayaa ku dhibtooday inuu isa soo saaro ka dib dhaawacyo soo wajahay isagoo haatan u dheelaya kooxda da’ yarta Reds markii uu ku soo fashilmay amaah uu ku joogay Blackpool qeybtii hore ee xilli ciyaareedkan.

Sheyi Ojo ayaa 13 kulan u saftay kooxda koowaad laakiin sida Wolson wuxuu amaah ugu joogaa Cardiff.

Hal ciyaaryahan oo fursad loo siin doono inuu isku soo saaro Anfield waa xiddiga reer Japan Takumi Minamino.

26 jirkaan oo shabaqa soo taabtay kulankii ay wadankiisa 14-0 kaga badiyeen Mongolia ayaa waqti fiican ku qaadanaya Southampton oo uu amaah ku joogo isagoo goolal fiican ka dhaliyay Newcastle iyo Chelsea lixdii kulan uu u saftay Southampton.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*