Toddobada Ciyaartoy Ee Ka Tegi Doona Horyaalka Waddanka Faransiiska Ee Ligue 1 Oo La Shaaciyey

Horyaalka waddanka Faransiiska ee Ligue 1 ayaa waxa ka tegi doona tiro ciyaartooyo ah marka uu suuqu furmo, kuwaas oo iskugu jira laacibiin uu heshiiskoodu dhamaaday iyo kuwo doonaya inay kooxahooda iska beddelaan.

Kooxaha Faraniiska ayaa xili ciyaareedkii hore ee 2018-19 waxay mushahar ku bixiyeen €635 milyan oo Euro, iyagoo hoos uga soo dhacay €840 milyan oo Euro oo fasal ciyaareedkii ka  horreeyey mushahar ahaan uga baxay.

Horyaalka waddanka Faraniiska ee Ligue 1 oo uu si weyn u taabtay caabuqa Korona ayaa la kanslay horraantii bishan May, waxaana koobka la guddoonsiiyey PSG oo hoggaanka haysay, laakiin suuqa iibka ee la filayo inuu furmo marka ay horyaalladu dhamaadaan, ayaa waxa uu ku keeni doonaa saamayn kale.

Tiraba toddoba ciyaartoy ayaa hadda la shaaciyey inay iskaga bixi doonaan Ligue 1 marka ay heshiisyadoodu dhamaadaan maadaama xili ciyaareedka la kansalay oo aanay jirin sabab ay sida Premier League, LaLiga, Serie A iyo Bundesliga qandaraasyo waqti kooban ah u kordhiyaan.

PSG iyo Lyon tartanka Champions League kaga jira Faransiiska ayaa waxay ciyaartoydooda qandaraasyadoodu dhamaanayaan ku riixi doonaan inay muddo kooban oo kale saxeexaan, hase yeeshee kooxaha kale ayaan hor istaagi doonin.

Difaaca midig ee PSG iyo xulka qaranka Belgium ee Thomas Meunier ayaa ka mid noqday toddoba ciyaartoy oo la shaaciyey inay kooxahooda ka tegi doonaan, waxaana lala xidhiidhinayaa Arsenal iyo Barcelona, halka ay Borussia Dormtund kula loollamayso.

Weeraryahanka da’da yar ee Lille ee Osimhen oo 21 jir oo Premier League looga gacan haadinaya, sidoo kalena goolhayaha 33 jirka ah ee Saint-Etienne ayaa shandaddiisa ka qaadanaya kooxdaas, iyadoo loo badinayo inuu Ligue 1 dhexdiisa sii joogi doono.

Waa kuwan toddoba ciyaartoy ee la shaaciyey inay kooxahooda ka tegayaan marka uu suuqu furmo:

Thomas Meunier, 28 jir difaaca midig uga ciyaara Paris Saint-Germain

Victor Osimhen, 21 jir weerar ah oo ka tirsan Lille

Axel Disasi, 22, difaac dhexe oo u ciyaara Reims

Stephane Ruffier, 33, Goolhaye, Saint-Etienne

Ibrahima Diallo, 21, Dhex difaaca xigta, Brest

Morgan Sanson, 25, Khadka dhexe, Marseille

Serhou Guirassy, 24, Weeraryahan, Amiens

 

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*