Islam Slamani → Man United, Dembele → Chelsea: 10ka Saxiix Ee Ugu Waa Weyn Ee La Filayo In La Dhameystiro Ka Hor Inta Uusan Xirmin Suuqa Kala Iibsiga Maalinta Jimcaha

Advertisements

Suuqa kala iibsiga bisha Janaayo waa mid ay dhib badan tahay in saxiixyo la sameeyo, waxaana ka marqaati kacaya tirada saxiixyada ee ilaa iyo haatan la sameeyay.

Tusaale ahaan horyaalka Premier League kaliya 22 saxiixyo cusub ayaa dhacay bishaan oo ay ku lug lahaayeen kaliya 12 kooxood oo horyaalka ka ciyaara.

Laakiin waxaa haatan la galay isbuucii ugu danbeeyay, waxaana la filayaa in wax badan ay qabsoomi doonaan tan iyo maalinta Jimcaha oo uu suuqa kala iibsiga xirmayo.

Waxaa jiro xiddigo badan oo magac weyn leh kuwaasoo weli laga yaabo inay dhameystiraan saxiixyadooda ka hor inta uusan suuqa xirmin.

Christian Eriksen ayaa haatan ka degay dalka Talyaaniga isagoo dhameystiraya heshiiska uu uga soo wareegayo Tottenham uguna biirayo kooxda Inter Milan.

Waxaa iyadana weli socota wadahadalka u dhaxeeya Manchester United iyo Sporting Lisbon ee ku aadan saxiixa Bruno Fernandes, kaasoo haatan laga qeyb dhigay xiddigaha kooxda Portugal u dheelaya kulanka isbuuc dhamaadka.

Wakiilo ka socda Manchester United ayaa haatan ku sugan magaalada Monaco iyagoo wadahadal ugu jira saxiixa xiddiga ay milkiyadiisa iska leedahay Leicester City Islam Slamani

Edinson Cavani isna qarka ayuu u saaran yahay inuu ka tago PSG una wareego kooxda ay waalidkiis la doonayaan ee Atletico Madrid, halka Arsenal ay wadahadal kula jirto Shakhtar Donestk iyagoo doonaya daafaca Mykola Matviyenko.

Chelsea waxay Faransiiska ka dooneysaa labo xiddig, mid waa xiddiga kooxda Lyon Moussa Dembele halka midka kale uu yahay xiddiga kooxda Lille ee Soumare.

Olivier Giroud isna waxaa la filayaa inuu ka tago Chelsea una wareego Inter Milan, halka sidoo kale la saadaalinayo in maalmaha ugu danbeeya suuqa kala iibsiga ay dib u soo nolaan doonto xiisaha Real Madrid ee Paul Pogba inkastoo aan la fileynin inuu heshiis dhaco ilaa iyo xagaaga laga gaarayo

Christian Eriksen – Tottenham to Inter Milan

Bruno Fernandes – Sporting Lisbon to Manchester United

Boubakary Soumare – Lille to Chelsea

Islam Slimani – Leicester to Manchester United

Edinson Cavani – PSG to Atletico Madrid

Mykola Matviyenko – Shakhtar Donetsk to Arsenal

Moussa Dembele – Lyon to Chelsea

Krzysztof Piatek – AC Milan to Tottenham

Advertisements

Olivier Giroud – Chelsea to Inter Milan

Paul Pogba – Manchester United to Real Madrid

Comments are closed.