Timo Werner Oo RIKOODH Weyn Ku Macsalaameeyay Bundesliga Ka Hor Inta Uusan Ku Biirin Kooxdiisa Cusub Ee Chelsea

Timo Werner ayaa sidii ugu fiicneyd ku soo gabagabeeyay waqtigiisii horyaalka Jarmalka ka dib markii uu noqday xiddigii abid ugu goolasha badnaa kooxda RB Leipzig isagoo labo jeer shabaqa ka soo taabtay kooxda Augsburg maanta.

23 jirkaan ayaa ciyaaray kulankiisii ugu danbeysay ee Bundesliga ka hor inta uusan heshiis 47.5 milyan ginni ah ugu wareegin Chelsea xagaagan.

Werner ayaa waayihiisa kooxda RB Leipzig ku soo gabagabeeyay sidii ugu fiicneyd ka dib markii uu dhaliyay goolkii furitaanka ee kulankii ay ka badiyeen kooxda Augsburg, waxa uu sidoo kale dhamaadkii ciyaarta uu dhaliyay goolkii guusha.

Labada gool uu dhaliyay maanta ayaa ka dhigan inuu 95 gool u dhaliyay kooxda Jarmalka taasoo ka dhigeysa inuu kooxda ka tagayo isagoo ahaa laacibkoodii abid ugu goolasha badnaa.

Xiddiga Jarmalka ayay ku qaadatay in ka yar 30 daqiiqo goolkiisii 27aad ee xilli ciyaareedka horyaalka Bundesliga, halka uu shabaqa soo taabtay mar kale daqiiqadii 80aad, wuxuu jabiyay rikoodhkii Daniel Frahn kaasoo ahaa tan iyo 2015kii xiddigii abid ugu goolasha badnaa kooxda RB Leipzig isagoo ku hayay 93 gool.

Timo Werner ayay sidoo kale barbareeyay rikoodhka goolasha ugu badan ee garoon marti ah lagu dhaliyo hal xilli ciyaareed horyaalka Bundesliga. Wuxuu garoon marti ah ku dhaliyay xilli ciyaareedkan 17 gool isagoo barbareeyay rikoodhkii uu dhigay xiddigii Borussia Monchengladbach, Jupp Heynckes xilli ciyaareedkii 197-74.

RB Leipzig ayaa kulankooodii ugu danbeysay xilli ciyaareedka Bundesliga waxay maanta 2-1 uga badiyeen kooxda Augsburg iyagoo ku dhameystay kaalinta seddexaad ee horyaalka Bundesliga.

Waxay Champions League kula biirayaan xilli ciyaareedka soo socda, kooxda horyaalka qaaday ee Bayern Munich, kooxda kaalinta labaad ee Borussia Dortmund iyo kooxda kaalinta afaraad ee Borussia Monchengladbach.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*