Tii Horeba Tan Ayaa Ka Daran! Neymar Oo Tuurnalka Ku Galay Dagaal Kaddib Kaadhkii Casaa & Xiddigii Laga Kari Waayey

Xiddiga reer Brazil ee Neymar oo kaadh cas qaatay dhamaadka ciyaartii guul-darradu kasoo gaadhay kooxdiisa PSG xalay ayaa ku dagaallamay tuunalka laga sii baxayo garoonka.

Advertisements

Laacibkan ayaa garoonka ka  baxay daqiiqaddii ugu dambaysay kaddib markii la siiyey laba kaadh oo kala dambeeyey, waxaana isagoo ku sugan waddada garoonka laga sii baxayo ka daba yimid difaaca Lille ee Tiago Djalo oo isagana kaadh cas lasoo siiyey.

Neymar ayaa dagaal toos ah kala hor yimid Tiago Djalo iyagoo labadooduba ku sii socda qolka lebbiska, waxaana soo kala dhex-galay shaqaalaha labada kooxood oo kala qabtay.

Xiddiga reer Brazil ayaa ahaa ciyaartoyga inta ugu badan la qaban kari la’aa ee dagaalka u socday, halka difaaca midig ee madowga ah ee Tiago Djalo uu isaguna gabbasho la’aan kala hor tegayay.

Advertisements

Kulan ay PSG ku qaabbishay Lille oo ay isku dhibco ahaayeen ayaa waxa lagaga badiyey 1-0 iyadoo ay waliba u dhamaayeen ciyaartoyda waaweyn marka laga reebo Maurco Icardy iyo Marco Verratti oo ka maqnaa ciyaartii xalay, waxaanay taasi keentay in ay kaalinta labaad u degaan oo ay saddex dhibcood ka dambeeyaan Lille.

Laakiin xaaladdooda ayaa sidan kasii xumaan karaysa, waxaanay u degi doonaan kaalinta saddexaad haddii Lyon ay soo badiso kulankeeda toddobaadkan, halka Monaco ay hal dhibic kaliya ka dambayso, sidoo kalena ay Marseille kaabiga usoo saaran tahay.

PSG oo ay dhibaato ku tahay natiijada ciyaartan, ayaa waxa u raacaysa Neymar oo ganaax kaga maqnaan doona kulanka usbuuca dambe.

Tababare Mauricio Pochettino ayay kooxdiisu hadda diiradda saari doontaa tartanka Champions League oo ay wareegga siddeedda foodda isku dari doonaan Bayern Munich oo ay Arbacada safar ugu tegayaan.

Munich ayaa xalay dhoolatus sii samaysay, waxaanay ka adkaatay RB Leipzig oo kaalinta labaad ku jirta.

Advertisements

Si kastaba, su’aasha la is weydiinayo ayaa waxay tahay: Miyey Pochettino iyo kooxdiisa PSG qalbi-jabka horyaalka Ligue 1 iskaga masixi doonaan Champions League? Jawaabta su’aashan ayay jamaahiirtu heli doonaan Arbacada.

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*