Tababaraha Chelsea ee Thomas Tuchel ayaa lagu canaantay qalad weyn oo uu sameeyey xilli ay kooxdiisu isku diyaarinaysay ciyaarta adag ee Champions League ee Atletico Madrid oo ay wareegga 16ka isku beegmeen.
Thomas Tuchel oo Chelsea loo magacaabay dhamaadka bishii hore ee January ayaan wali laga badinin, waxaanu kooxda keenay kaalinta afraad ee miiska kala sarraynta horyaalka Premier League iyo tartanka FA Cup oo wareegga siddeedda uu geeyey.
Laakiin ciyaarta Champions League ee Atletico Madrid ay caawa la ciyaarayaan ayaa kusoo beegantay xilli uu isbeddel ku yimid jawigii wanaagsanaa ee ciyaartoyda qaarkood, kaddib go’aamo qaldanaa oo uu qaatay toddobaadkan, taas oo keenaysa in ciyaartoydiisa qaarkood aanay ku niyad-samaanin.
Halyeygii Liverpool ee Jamie Carragher ayaa ku canaantay Thomas Tuchel waxa uu ku sheegay qalad weyn oo uu sameeyey ciyaartii Southampton ay barbarraha la galeen, taas oo waqtigii nasashada uu saaray weeraryahanka reer England ee Tammy Abraham oo uu kusoo beddelay Cllum Hudson-Odoi, hase yeeshee 30 daqiiqadood kaddib uu haddana bannaanka dhigay Hudson-Odoi oo markii dambena uu warbaahinta eedo uga jeediyey.
Jamie Carragher oo ka hadlayay telefishanka Sky Sports ayaa tilmaamay in tababaraha reer Germany uu galay qalad dilaya kalsoonida ciyaartoydiisa, xilli xaasaasi ah oo ay kusoo beegan tahay ciyaaarta Champions League ee Atletico Madrid.
“Tababareyaashu waxay mushaharka ku qaataan inay go’aamo sameeyaan oo ay natiijooyin keenaan. Haddii Tuchel uu dareemay in go’aankaasi uu sare u qaadayay fursadda guusha, iyo inuu Chelsea ka caawinayo inay timaaddo booska loogu soo baxayo Champions League, markaa dhibaato kuma jirto.” Ayuu yidhi Carragher.
Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi: “Hudson-Odoi toddoba jeer ayuu kubadda lumiyey 18 marna wuu helay, markaa dhibaato ayaa jirtay, laakiin labada jeer ee uu lumiyey ayaa liitay, wuxuu se daba ordayay kubadda.
“Marka uu tababaruhu sheego in aanu ku faraxsanayn weerarkiisa-cadaadiska… taas dhibaato badan uma arko.
“Laakiin dhibaatada tababaruhu waxay tahay in aanu marka horeba keenin iyo in aanu odhanin wixii uu ciyaarta kaddib yidhi. Waxay ila tahay inuu ku qaldanaa inuu saaro (Hudson-Odoi) iyo inuu markii dambe ka hadlo.”
App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora