Thomas Tuchel Oo Ka Hadlay Dagaalkii Dhexmaray Xiddigihiisa Antonio Rudiger Iyo Kepa Arrizabalaga & Amaan Uu U Jeediyay Rudiger

Thomas Tuchel ayaa ku amaanay raaligelintii degdega aheyd ee uu Antonio Rudiger siiyay goolhaye Kepa Arrizabalaga ka dib dagaalkoodii ku dhexmaray garoonka tababarka Chelsea.

Advertisements

Labada ciyaaryahan ayaa la kala qabtay iyagoo ka qeyb qaadanayay ciyaar yar oo tababar aheyd Axadii ka dib markii uu Kepa si carro leh uga fal celiyay qalad uu kala kulmay Rudiger.

Xiddiga Jarmalka oo ay sidoo kale tababarka iskula dhaceen Cesar Azpilicueta horaantii xilli ciyaareedkan ayaa la fahamsan yahay inuu raalogeliyay Kepa ka dib dagaalkooda.

Tuchel ayaa ku amaanay Rudiger inuu yahay geesi xoogan madaama uu qaatay go’aan ah inuu la heshiiyo goolhayaha Chelsea oo uu raaligeliyo.

Advertisements

Markii la weydiiyay haddii dagaalka labada xiddig ee Rudiger iyo Kepa uu ahaa mid halis ah, Tuchel ayaa ku jawaabay:

“Waan idiin sheegi lahaa haddii ay ahaan laheyd, laakiin ma aheyn.

“Wax shaqo ah kuma lahan guuldaradii ina soo gaartay. Waxay aheyd dhacdo ka dhacday tababarka, xamaasada ayaa ka xoog badisay Toni iyo Kepa.

“Waxaan durbadiiba dejinay xaalada. Ma doonayo inaan wax kama jiraan ka soo qaado laakiin caadiyan waxyaabahaan oo kale waa ay ka dhacaan kulamada yaryar.

“Dhamaantood waa ciyaaryahan tartan ku jira islamarkaana doonaya inay badiyaan kulamada tababarka. Sidaasi darteed xamaasada ayaa kululaatay, jawaab celintii ay ka bixiyeena ma aheyn mid fiican.

“Laakiin sida ay xaalada u maareeyeen gaar ahaan Antonio Rudiger waxay aheyd mid cajiib ah, waxay soo bandhigeen inay ixtiraam isku hayaan sababtoo ah colaadooda durbadiiba waa ay xaliyeen.

“Durbadiiba waa ay heshiiyeen, taas ayaan muhiim aheyd sababtoo ah maalintii ku xigtay wax walba caadi ayay ahaayeen.”

Markii la weydiiyay haddii midkood ciyaartoyda uu wajahi doono ciqaab, Tuchel ayaa ku jawaabay: “Maya, ciqaab ma jirto ilaa iyo haatan sababtoo ah qaabka ay wax u xaliyeen.

“Rudiger durbadiiba wuu xaliyay taasoo ah aheyd lagama maarmaan, wuxuu muujiyay xooganaan iyo geesinimo, waxayna aheyd arin sax ah inuu durbadiiba raaligeliyo.”

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*