Thiago Alcantara Oo Soo Xushay Shaxdiisa Riyada Ee Shan Geesoodka Ah, Liverpool Uu Iska Indhotiray & Xiddig Man United Ah Uu Doortay

Advertisements

Thiago Alcantara ayaa iska indhotiray asxaabtiisa Liverpool markii uu magacaabayay shaxdiisa shan geesoodka ah laakiin wax shaki ah kama gelin inuu doorto xiddig Man United u ciyaara.

Xiddiga khadka dhexe ee Reds ayaa haatan uun bilaabaya waayihiisa Liverpool ka dib markii uu ka soo kabsaday dhaawac soo gaaray kulankii Merseyside Derby bishii October.

Inkastoo uu muddo dheer garoomada ka maqnaa, Thiago ayaa durbaba cadeeyay tayadiisa kaliya shan kulan uu u saftay kooxda difaacaneysa horyaalka Premier League inkastoo intooda badan ay ahaayeen bedel.

Laakiin wuxuu halis geliyay inuu ka careysiiyo qolka labiska

Markii la weydiiyay xiddigaha boos ka heli kara shaxdiisa riyada ee shan geesoodka ah, xiddigii hore ee Bayern Munich iyo Barcelona ayaa u sheegay shabakada Liverpool:

“Waxaan mar walba iraahdaa ma xusho ciyaartoyda ugu fiican balse waxaan xushaa ciyaartoyda isfahamka ugu weyni uu ina dhexmaray islamarkaana aan saaxiibo ku noqonay kubada cagta” ayuu yiri Thiago.

Ka dib wuxuu magacaabay walaalkiis Rafinha oo haatan u dhelo PSG, saaxiibkiisii Barcelona Jonathan dos Santos oo haatan u dheela LA Galaxy iyo asxaabtiisa xulka Spain goolhaye De Gea iyo weeraryahanka Leeds Rodrigo.

“Dhibka kaliya ee jira waa in uu qof difaac noqdo” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Inkastoo uusan shaxdiisa riyada ku soo darin xiddig u dheela Liverpool hadana Thiago ayaa amaanay qaar ka mid ah asxaabtiisa cusub.

Daafaca bidix Andy Robertson ayuu u doortay inuu yahay ninka ugu majaajilada badan kooxda Liverpool.

“Waa nin aad u shactiro badan, waa shaqsi dabiici ah” ayuu yiri. “Qof walba ayaa jecel isaga, waxaana aaminsanahay inuu yahay saaxiib weyn.”

Isagoo ka hadlayay Sadio Mane, wuxuu yiri: “Waxay u muuqataa inaysan marnaba soo marin maalin xun, mar walba wuu diyaarsan yahay waana uga mahadcelineynaa.”

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*