Telefishanka beIN Sports Oo Shaaciyey Wariyeyaasha Tabin Doona Kulamada Horyaalla Ee Sabtida & Axadda – Yaa Qaban Doona Spurs vs City, Atletico vs Barca, Liverpool vs Leicester?

Advertisements

Telefishanka beIN Sports ayaa sidii horeba looga bartay soo saaray jadwalka shaqo ee wariyeyaasha luuqadaha kala duwan ku tabin doona kulamada horyaalla dalalka Yurub ee Sabtida iyo Axadda, gaar ahaan Premier League, LaLiga iyo Serie A.

Kaddib toddobaad ciyaaruhu fasax ugu jireen kulamada caalamiga ah, waxa la isugu soo laabanayaa xafiiltanka horyaallada waaweyn oo mar kale ay ku jeedsan doonaan indhaha taageereyaasha kusoo caajisay kulamada caalamiga ah ee aan lahayn xamaasadda horyaallada oo kale.

Kooxda horyaalka Premier League difaacanaysa ee Liverpool oo ay dersin ciyaartooyo ahi ka maqan yihiin ayaa qaabilaysa Leicester City, sidoo kalena Manchester City oo ah kooxda labadii sannadood ee Liverpool ka horreeyey sida xidhiidhka ah koobka ugu guuleysatay ayaa iyaduna kulan adag uu sugayaa oo foodda daraysa Tottenham oo uu hoggaaminayo Jose Mourinho.

Advertisements

Laakiin Manchester United ayaa guushii ugu horreysay xili ciyaareedkan ka doonaysa garoonkeeda Old Trafford oo ay ku qaabilayso West Brom, halka Arsenal ay safar ku joogto Elland Road oo ay marti ugu noqonayso kooxda dhibaatada badan kooxaha waaweyn gaadhsiisa ee Leeds United.

Frank Lampard ayaa kusii riyoonaya inuu horyaalka hoggaanka u qabto saacado kooban marka uu maanta u tago Newcaslte United.

Horyaalka Spain ee LaLiga ayay isagana ciyaaro adag jiraan, waxaana foodda is gelinaya Atletico Madrid iyo Barcelona, halka Real Madrid oo ay dhaawacyo ragaadiyeen ay u tegayso Villarreal.

Telefishanka beIN Sports ayaa kulamada horyaallada ee uu baahinayo, waxa uu qaybta luuqadda Carabiga u xil-saaray in codkooda lagu maqlo wariyeyaasha ugu caansan.

Cusaam Shuwaali ayaa loo doortay inuu qabto kulanka Chelsea iyo Newcaslte United ee duhurnimada maanta, sidoo kalena saaxiibkii Rauf Khalif ayaa qabanayaciyaarta adag ee Atletico Madrid iyo Barcelona.

Mar kale ayuu wariye Cusaam kusoo laaban doonaa shaqada maalinta Axadda ah, waxaanu qaban doonaa kulanka Liverpool ay ku qaabilayso Leicester, taas oo ah ciyaar xamaasaddeeda leh balse ay hadheeyeen dhaawacyada Reds.

Sabtida

Newcastle vs Chelsea – Cusaam Shuwaali

Villarreal vs Real Madrid – Cali Maxamed Cali

Aston Villa vs Brighton – Xasan Caydaruus

Tottenham vs Manchester City – Xafiid Daraji

Juventus vs Catania – Khaliil Baluushi

Manchester United vs West Brom – Axmed Dayib

Atletico Madrid vs Barcelona – Rauf Khaliif

Axadda

Fulham vs Everton – Nowfil Baashe

Inter Milan vs Torino – Cali Maxamed Cali

Roma vs Parma – Caamir Khudrawi

Leeds United vs Arsenal – Yuusuf Sayf

Liverpool vs Leicester – Cusaam Shuwaali

Napoli vs AC Milan Xafiid Daraji

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*