Telefishanka beIN Sports Oo Shaaciyey Wariyeyaasha Tabin Doona Kulamada Champions League Ee Caawa & Habeen Dambe – Yaa Qabanaya Juve vs Barca & Man United vs RB Leipzig?

Advertisements

Telefishanka beIN Sports ayaa shaaciyey wariyeyaasha ku qoran baahinta kulamada Champions League ee toddobaadkan oo ay kooxaha Yurub isku haleelayaan ciyaarahoodii labaad.

Kooxda koobka difaacanaysa ee Bayern Munich ayaa ku sugan caasimadda Ruushka ee Moscow oo ay kula soo ciyaarayso Lukomotiv Moscow guul weyn oo ay usbuucii hore ka gaadheen Atletico Madrid oo ay ku xasuuqeen 4-0, waxaana uu tababare Flick usii halgami doonaa inuu sii muujiyo cududdiisa marka ay kooxdiisu garoonka soo gasho caawa.

Liverpool oo iyaduna koobka sannadkii kasii horreeyey qaadday ayaa guushii labaad raacin doonta marka ay qaabisho FC Midtjylland, halka Real Madrid oo ciyaartii hore lagagag abadiyey garoonkeeda ay ku sugan tahay waddanka Jarmalka oo ay Borussia Monchengladbach kula soo ciyaari doonto.

Advertisements

Kulan adag waxa habeenka Arbacada ku ballansan Juventus iyo Barcelona oo magaalada Turin ku wada ciyaari doona, halka Manchester United ay garoonkeeda Old Trafford ku qaabilayso naadiga reer Germany ee RB Leipzig.

Rauf Khalif iyo Cusmaan Shuwaali ayuu telefishanku shaaciyey inay labada habeenba shaqayn doonaan oo ay min laba ciyaarood tabin doonaan.

Rauf ayaa caawa loo xil-saaray inuu qabto kulanka adag ee Marseille iyo Manchester City ee waddanka Faransiiska ka dhici doona, halka uu Cusaam isaguna uu caawa hayn doono Shakhtar Donetsk iyo Inter Milan.

Arbacada ayuu Rauf hayn doonaa ciyaarta ay Paris Saint-Germain martida u tahay kooxda reer Turkey ee Istanbul Basaksaher, halka uu Cusaam u xil-saaran yahay, xogteedana urursanayo ciyaarta adag ee Barcelona ay martida ugu tahay Juventus.

Salaasada

Lokomotiv Moscow vs Bayern Munich – Cali Maxamed Cali

Shakhtar vs Inter Milan – Cusaam Shuwaali

Atletico Madrid vs RB Salzburg – Xasan Caydaruus

Borussia Monchengladbach vs Real Madrid – Khaliil Baluushi

Marseille vs Manchester City – Rauf Khaliif

Liverpool vs FC Midtjylland – Yuusuf Sayf

Atalanta vs Ajax – Xafiid Daraaji

Arbacada

FC Krasnodar vs Chelsea – Yuusuf Sayfk

Istanbul Basaksehir vs PSG – Rauf Khalif

Sevilla vs Rennes – Maxamed Barakaat

Borussia Dortmund vs Zenit – Khaalid Xaddi

Club Brugge vs Lazio – Cali Maxamed Cali

Juvents vs Barcelona – Cusaam Shuwaali

Manchester United vs RB Leipzig – Xafiid Daraji

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*