Tartanka Saxiixa Gareth Bale Ee Manchester United Iyo Tottenham Oo Lagu Kala Baxay & War Cusub Oo Ka Soo Kordhay

Advertisements

Tottenham ayaa uga hormartay Manchester United tartanka saxiixa xiddiga Real Madrid Gareth Bale, sida ay sheegeyso TV-ga ESPN.

Fursad kasta oo uu 31 jirkaan u heysto inuu u wareego Old Trafford ayaa ku xiran natiijada ceyrsashada Manchester United ee xiddiga Borussia Dortmund Jadon Sancho.

Tababaraha Tottenham Jose Mourinho ayaa u cadeeyay gudoomiyaha kooxda Daniel Levy inuu u baahan yahay inuu xoojiyo weerarkiisa si uu culeyska uga yareeyo Harry Kane iyadoo ay haatan bilowdeen wadahadalo ay kooxda kula jirto Real Madrid iyo Bale taasoo ka dhigeysa inay ka horeeyaan United kuwaasoo muhiimad siineysa saxiixa Sancho.

Advertisements

Bale ayaa loo sheegay inuu isaga tagi karo Madrid xagaagan todoba sannadood ka dib markii uu 85.3 milyan ginni uga soo wareegay Tottenham.

Kooxda heysata horyaalka La Liga ayaa diyaar u ah inay xiddiga reer Wales ku iibiso kaliya 18 milyan ginni laakiin madaama ay Madrid u baahan tahay inay hoos u dhigto biilkeeda mushaharaadka, waxay diyaar u yihiin inay qeyb ka bixiyaan mushaharkiisa 600 kun ginni isbuucii haddii ay Spurs ama Man United amaah ku qaadanayaan.

Laakiin ilo lagu kalsoonaan karo ayaa u sheegay in ESPN in xiisaha United uu yahay mid dhab ah balse uu tababare Ole Gunnar Solskaer u arko xiddiga afarta jeer ku guuleystay Champions League qorshihiisa labaad haddii uu ku guuldareysto saxiixa Sancho.

Bale oo iska diiday United markii uu u saxiixayay Madrid sannadkii 2013 ayaa ka warqaba xiisaha Man United iyo muhiimada ay siinayaan saxiixa Jadon Sancho.

Laakiin inkastoo ay United u aragto inuu yahay qorshe labaad, Bale ayaa jecel inuu u wareego Old Trafford, inkastoo ay adag tahay inuu aqbalo inuu sugo haddii heshiiska Sancho uu guuldareysanayo iyo haddii kale.

Sugitaanka Man United ee heshiiska Sancho ayaa si kastaba fursad siineysa Tottenham, kuwaasoo u bandhigaya Gareth Bale inuu ku soo laaban karo Premier League sharuud la’aan isagoo aan sugeynin ilaa iyo inta uu heshiis kale ka burburayo.

Bale oo dhaliyay 56 gool 203 kulan uu u saftay Tottenham intii u dhaxeysay 2007 iyo 2013 ayaa kooxda kaga soo biiray Southampton sannadkii 2007 heshiis markaas ahaa 5 milyan ginni.

Iyadoo United ay weli sugeyso Sancho, Bale ayaa diyaar u ah inuu dib ugu soo laabto Spurs si uu u helo kubad joogta ah madaama xagaaga danbe la ciyaarayo koobka Qaramada Yurub.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*